Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo ka careysiineysa xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo weli diidan hannaanka ay ku socoto doorashada dalka.
Guddiga oo qoraal soo saaray ayaa shaaciyay liiska ururrada cusub ee is diiwaangeliyay, kana faa’iideystay dib u furista diiwaangelinta ururrada siyaasadda oo la furay 23-kii Agoosto, isla markaana xirantay 6-dii bishaan, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ay is diiwaangeliyeen illaa 18 urur siyaasadeed, kuwaas oo uu guddigu soo bandhigay magacyadooda, waxaana uu sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin ururrada rasmiga ah ee siyaasadda Soomaaliya.
“Haddaba GMDQS wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku wargelinayaa liiska ururrada siyaasadda Soomaaliya ee ka faa’iideystay dib u furidda diiwaangelinta ururrada siyaasadda oo furantay 23ka Agoosto 2025, isla markaana xirantay 6da Sebteemer 2025” ayaa agu yiri warqadda kasoo baxday guddigga oo hoos lagu caddeeyay magacyada ururrada cusub.
Ururradan iyo kuwii hore isku diiwaangeliyay ayaa u diyaar ah inay ka qayb-galaan doorashooyinka tooska ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka, waxaase weli diidan oo saaxadda ka maqan xubnaha Madasha Samatabixinta oo iyagu diidan guddiga doorashada.
Wadarta guud ee ururrada is diiwaangeliyay ayaa kor u dhaafaya illaa 30 urur siyaasadeed, waxaana ku jira xisbiyo ay furteen xubnihii Madasha ee la heshiiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kadib wada-hadallo gaar ah iyo heshiis ah ay ku gaareen xarunta Villa Somalia.
“Waxaan idin leeyahay kusoo dhawaada saaxada siyaasadda, maanta wixii ka dambeeya waxaa idinka rabnaa inaad diiwaangelinta dadweynaha usoo dirsataan ergadii goobaha diiwangelinta, insha allah” ayuu horay u yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan oo soo dhaweynayay ururrada cusub ee shahaadada qaatay.
Dhinaca kale, waxaa iyana Muqdisho ka socota diiwaangelinta dadweynaha oo dib loo furay, si fursad loo siiyo ururrada cusub ee is diiwaangeliyay, una helaan taageerayaal.
Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay cakirsan tahay, taas oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka iyo dhinaca kale Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.