Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo si kulul uga hadlay xiisadda ka dhalatay dhulka ee ka taagan magaalada Muqdisho.
Qaybdiid oo ka qayb-galay kulankii Madasha Samatabixinta ee lagu qabtay hoteelka Jasiira ayaa ku baaqay in la’iska qabto madaxweyne Xasan Sheekh, lagana hortago barakicinta uu ka hayo shacabka.
“Faataxo haloo maro waa soo dhaaftay hadda waxa uu rabaa iska dhicid, Xasan hoggaamiye ayuu yahay waxaan, waana lacag jecelyahay” ayuu yiri Senatorku.
Sidoo kale wuxuu la hadlay xubnaha Madasha iyo Baarlamaanka oo uu ka codsaday inay hadalkooda u beddalaan ficil, si isbeddal looga keeno doodaha ay qabaan ee ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2026-ka.
“Haddii ay wax xumaadaan meeshii la aadi lahaa Baarlamaanka bey ahayd, balse labada aqal kaalintooda waa ceshan waayeen waa nagala adkaaday ama lacag hanoogala adkaado ama hanagua qiibiileeyo” ayuu mar kale yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Aniga waxa ay ila tahay Alamtara waa ka timidee shaarica haliskuugu tago”.
Senator Cabdi Qaybdiid ayaa marar badan goob fagaare ah ka weeraray Xasan Sheekh, wuxuuna si cad u sheegay inuu ka qoomameeyay in isaga uu gacantiisa kusoo doortay madaxweynaha, uuna u arko dambi wayn oo uu galay, sida uu hadalka u dhigay.
“Shalay annaga ayaa dooranay meel baa inta aan fariistay gacanta kor u taagay, waxaana iri Ilaahow Rabiyow iga cafi anaa gacantayda ku doortee, waa shakiyay waxaan dareemay inaan dambiile wayn ahay” ayuu horay u yir Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).
Dhankiisa madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in arrinta dhulka ay tahay khad cas oo aan laga aamusi karin, isagoo uga digay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh inay ku tagri falaan dhulka dowladda, isla markaana ay si deg-deg ah u joojiso barakicinta shacabka.
“Dadka qaar waxay yiraahdan dhulka qadiyad ma ahan, laakiin dhulka waa qadiyad, adduunka waxa ugu badan isku haysto waa dhul, qabaa’il iyo dowladuhuba waxay isku hayaan dhul. Marka dhulku waa qadiyad iyo qeyb kamid ah dowladnimada,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Waxa uu intaas kusii daray “Dhulka in qolo gaar ah iska maamulato oo sida ay rabto yeesho, dadka masaakiinta ahna wixii la doono laga sameeyo, waxaa u maleynaa in aysan nagu habooneyn in aan ka aamusno.”