Muqdisho (Caasimada Online) โ Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii uga digay shacabka in loo adeegsado ujeedooyin lagu carqaladeynayo amniga dalka, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dhawaaqeen mudahaaradyo waaweyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho dhamaadka toddobaadkan.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen Booliska ayaa lagu sheegay in โweerarkii lagu qaaday saldhigga degmada Warta Nabadda uu ahaa fal gurracan oo ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan oo la socda xubno ka mid ah madaxdii hore ee dalka.โ
โWaxaan shacabka Soomaaliyeed uga digeynaa in aysan ku dhex milmin kooxaha ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga, una sahlaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee dowladdu dagaalka kula jirto,โ ayaa lagu yiri bayaanka.
Booliska ayaa intaas ku daray in weerarka uu dhacay xilli uu goobta kormeer ku joogay taliyaha guud ee ciidanka, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi, oo uu wehlinayay taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Cumar Muumin.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, weerarka waxaa ka dhashay burbur soo gaaray gaadiid iyo dhismaha saldhigga, kadib markii โmaxaabiis lagu xiray dambiyo culus loo soo wareejiyay saldhigga, taasoo dhalisay falkaasi argagixisada ah.โ
โCiidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu si cad u sheegayaa in cid kasta oo ku lug yeelata falalka amniga lagu carqaladeynayo lala xisaabtami doono, iyadoo aan digniin hore loo soo jeedin,โ ayaa lagu daray qoraalka.
Mucaaradka oo ku baaqay dibad-baxyo
Dhanka kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa xalay shir jaraaโid oo uu ku qabtay Hotel Jazeera ku iclaamiyay mudahaaradyo nabadeed oo dhici doona Sabtida, 27-ka Sebteembar.
โWaxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno, anagu dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma jirto. Waxaase garab taaganahay dadka dulman ee Soomaaliyeed ee aragtaan,โ ayuu yiri Shariif.
Wuxuu sheegay in mudahaaradku ka dhici doono saddex goobood oo kala ah Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile, isagoo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah isugu soo baxaan.
Shariif ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay dhaaftay xuduud sharci, isagoo ku tilmaamay โtuugo u baahan in la hor istaago.โ
โTuugada haddaadna ka hortagin, guryaha ayay noogu imanayaan, kuma joogsanayaan sidan. Waa in lagu celiyo xadkoodii,โ ayuu raaciyay.
Bannaanbaxyada mucaaradka ayaa imanaya iyadoo dowladda Xasan Sheekh wajaheyso eedeymo dhul boob ah oo kumanaan qof looga barakiciyay Muqdisho. Dhanka kale, weerarka lagu qaaday saldhigga Booliska ayaa muujinaya nuglaanta amni ee caasimadda.
Booliska ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan rasmi ah, isla markaana ay โtallaabo sharci ah ku qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo masuuliyadda weerarka iyo falalka kale ee lagu carqaladeynayo amniga.โ
โHayโadaha amniga oo uu hormuud u yahay Ciidanka Booliska waxay qaadi doonaan tallaabo kasta oo sharci ah oo lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo xasilloonida dalka,โ ayaa lagu soo afjaray war-saxaafadeedka.
Dhanka mucaaradka, hoggaamiyeyaasha Madasha Samatabixinta waxay sheegeen in mudahaaradkooda uu noqon doono mid nabadeed oo lagu diidan yahay โfalalka waxshinimada ah iyo dhul boobka ka socda Muqdisho.โ