27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Maxaabiis dambiyo culus loo haysto oo ka baxsaday saldhigga Warta Nabadda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah iyo xogo cusub ayaa waxaa laga helayaa dagaalkii shalay ciidamada mucaaradka iyo kuwa ammaanka ee dowladda ku dhex-maray saldhigga degmada Warta Nabadda, kaas oo gaystay khasaaare kala duwan.

Maxaabiis ku xirneyd saldhigga lagu dagaalamay, loona haystay dambiyo culus ayaa baxsaday inta uu socday dagaalka, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dhacdadii shalay.

Booliska ayaa xaqiijiyay inay fakadeen maxaabiis ku xirneyd xabsiga, sidoo kalena la dhaawacay qaar kamid ah askartii ku sugneyd saldhigga oo uu burbur soo gaaray

“Weerarka waxaa ka dhashay in ay fakadaan maxaabiis u xirneyd dambiyo culus oo saldhigga ku xirneyd, dhaawac loo gaystay askartii saldhigga waardiyeyneysay, burbur soo gaaray gaadiid meesha yaallay iyo saldhigga” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Booliska.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in “weerarkii lagu qaaday saldhigga degmada Warta Nabadda uu ahaa fal gurracan oo ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan oo la socda xubno ka mid ah madaxdii hore ee dalka.”

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga digeynaa in aysan ku dhex milmin kooxaha ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga, una sahlaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee dowladdu dagaalka kula jirto,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliska ayaa intaas ku daray in weerarka uu dhacay xilli uu goobta kormeer ku joogay taliyaha guud ee ciidanka, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi, oo uu wehlinayay taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Cumar Muumin.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, weerarka waxaa ka dhashay burbur soo gaaray gaadiid iyo dhismaha saldhigga, kadib markii “maxaabiis lagu xiray dambiyo culus loo soo wareejiyay saldhigga, taasoo dhalisay falkaasi argagixisada ah.”

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu si cad u sheegayaa in cid kasta oo ku lug yeelata falalka amniga lagu carqaladeynayo lala xisaabtami doono, iyadoo aan digniin hore loo soo jeedin,” ayaa mar kale lagu daray qoraalka.

Dhinaca kale, Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka horyimid dibadbaxa ay iclaamiyeen mucaaradka ayaa sheegay in aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay sheegeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

“Anigoo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa halkan ka caddeynayo oo amrayo inay cid kasta oo nabadda iyo xasiloonida magaaladan ka jirto inay wax waxyeeleyso isku deydo tallaabo sharcia waafaqsan inay ka qaadaan” ayuu sii raaciyay duqa magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, isla markaana Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso dowladda iyo mucaaradka oo shalay uu ka dhex-qaray dagaal toos ah, kadib markii ay isku fara saareen saldhigga Warta Nabadda.

- Advertisement -

Read more

Local News