Washington (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu “dib u qaato” Ilhan Cumar, oo ah xildhibaanad Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, taasoo muddo dheer ka mid ahayd shaqsiyaadka uu siyaasad ahaan sida gaarka ah u beegsado.
Trump ayaa hadalkan ka sheegay Xafiiska Oval Office ee Aqalka Cad, ka dib markii uu saxiixay amar madaxweyne oo waddada u xaaraya in shirkadda TikTok, qeybteeda Mareykanka, ay noqoto mid ay leeyihiin Mareykan.
“Waxaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha. “Waxaan u soo jeediyay inuu laga yaabo inuu jeclaan lahaa inuu dib u qaato. Wuxuuna yiri, โAnigu ma doonayo.โโ
Ilhaan ayaa si degdeg ah uga jawaabtay barta X. “Waxay ka timid inuu dafiro in Soomaaliya ay madaxweyne leedahay ilaa inuu sheeko abuurayo, Madaxweyne Trump waa beenlow nacas ah,” ayay Ilhaan qortay. “Qofna waa inuusan si dhab ah u qaadan nacaskan ceebaha wada.”
Iska hor-imaadkan ayaa yimid maalmo ka dib markii uu fashilmay qaraar la doonayay in lagu cambaareeyo Ilhaan, loogana xayuubiyo xubinimada guddiyada ee Aqalka Wakiillada.
Isagoo toddobaadkii hore ka hadlayay diyaaradda Air Force One, ayuu Trump yiri. “Waxaan u malaynayaa inay tahay qof xun. Waxaan qabaa in xilka laga qaado,” ayuu yiri. “Ma madaxweyne bay leeyihiin? Ma gole bay leeyihiin? Ma wax bay haystaan? Ma boolis bay leeyihiin? Waxay ka yimaadeen meel aan waxba oollin, ka dibna waxay noo sheegayaan sida dalkeenna loo maamulo.โ
Wuxuu intaas ku daray: “Haddii la cambaareeyo, waa wax weyn. Haddii xilka laga qaadana, xitaa way ka sii fiican tahay.โ
Wuxuu sidoo kale kadib bartiisa Truth Social, mar kale si toos ah ugu weeraray Soomaaliya, isagoo dalkii ay ku dhalatay Ilhaan ku sifeeyay mid ay la degtay “gacan ku hayn laโaanta dowladda dhexe, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixisanimo soo laba kaclaynaysa, burcad-badeed, tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, musuq-maasuq iyo rabshado baahsan.”
Wuxuu sheegay in 70 boqolkiiba dadweynuhu ay ku nool yihiin saboolnimo baโan, wuxuuna ku eedeeyay masโuuliyiinta Soomaaliya inay maamulaan “dowlad fashilantay oo ay hareeyeen laaluush iyo lunsi hanti dadweyne.”
Ilhaan, oo la doortay 2018-kii, kana mid noqotay haweenkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka mid noqda Congress-ka, ayaa si isdaba joog ah ay isku dhacayeen Trump. Sannadkii 2019, waxay bartilmaameed dhexe u ahayd ololihiisii isku soo baxyada ee lagu dhawaaqayay “dib u celiya,” kuwaasoo dhaliyay dhaleecayn ballaaran oo lagu tilmaamay inay yihiin cunsuriyad.
In kasta oo ay jirto dhaleecayntaasi, Trump wuxuu sii waday inuu xoogga saaro asalka Soomaalinimo ee Ilhaan si uu siyaasad ahaan ugu weeraro, halka sharci-dejiyeyaasha iyo falanqeeyayaasha garabka midig ay inta badan soo qaataan dhaleecaynteeda tooska ah ee ay u jeediso siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka iyo Israel, iyagoo u adeegsanaya sabab looga saaro Congress-ka.