Muqdisho (Caasimada Online) โ Waxaa hataan magaalada Muqdisho ka socda diyaarinta banaanbax ay mucaaradku ku dhawaaqeen in uu ka dhici doono degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.
Banaanbaxa uu mucaaradka iclaamiyay ayaa waxaa si cad uga hortimid Dowladda Federaalka, oo ayadu ku tilmaamtay sharci darro.
Mucaaradka ayaa qorsheeyay in isu-soo-baxaasi qabsoomo maalinta berri oo Sabti ah, iyadoo saaka ciidamo badan oo dowladda ka tirsan lagu arkayo wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda, gaar ahaan goobaha ay gaadiidku iskaga gudbaan, si looga hortago isu-soo-baxa.
Dowladda Federaalka, maamulka Gobolka Banaadir iyo hayโadaha ammaanka ayaa si wadajir ah u diiday qabsoomidda banaanbaxa berri, iyago ka digay cawaaqibka ka dhalan karta isku day kasta oo sharci darro lagu fuliyo.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa maanta magaalada gudaheeda ku leh kulammo ay kaga arrinsanayaan qorshahooda, halka hayโadaha ammaankuna ay diyaariyeen tallaabooyin looga hortagayo abaabulkaas.
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa wasaaradda amniga gudaha ku wargelisay banaanbaxa berri, iyadoo looga dalbaday in wasaaradu ay qeyb ka noqotay ilaalinta amniga banaanbaxayaasha, xilli ay dowladdu si adag uga hortimid qabsoomadiisa.
Warqad uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Madasha, Korneyl Maxamed Aadan Koofi ayaa loogu baaqay wasaaradda in ay hubiso sugidda ammaanka dadka shacabka ah ee ka qeyb-galaya banaanbaxa, isla markaana la fududeeyo wadooyinka iyo marinada ay soo marayaan si ay si nabad ah ugu gaaraan goobaha banaanbaxyadu ka dhici doonaan.
Mucaaradka ayaa hore u sheegay in banaanabaxan looga soo horjeedo dowladda Xasan Sheekh, laguna muujinayo diidmada dhul boobka iyo barakicinta shacabka ee dhulka danta guud, taas oo magaalada Muqdisho ka abuurtay xiisad xooggan.
Si kastaba, waxaa si dhow isha loogu hayaa halka uu ku dambeyn doono abaabulka iska soo horjeeda ee labada dhinac, iyadoo shacabka Muqdisho ay si taxaddar leh ula socdaan waxa ka dhalan kara xiisaddan iyo saameynta taban ee ay keeni karto.