26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Falcelin xooggan oo ka dhalatay dib u dhaca dibadbaxii mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay dib u dhaca ku yimid dibadbaxii mucaaradka ee la filayay in maanta uu ka dhaco gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo horay loo qorsheeyay.

Dadaallo ay hoggaaminayeen Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye ayaa horseeday is-afgarad, iyadoo Madasha Samatabixinta ay aqbaleen soo jeedintii ka dhalatay dadaalladaas, oo lagu baajiyay bannaanbaxii dhici lahaa maanta.

Waxaa la isku raacay, shir jaraa’id oo wadajir ahna lagu sheegay, in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahiyay  qorshahooda, wuxuuna tilmaamay in weli aanu isbedalin go’aankooda, balse ay aqbaleen dadaalka la sameeyay, dibadbaxana uu dhacayo 9 maalmood gudahood.

“Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah oo qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay, sidaas darteedna ayaana ugu baaqnay, akhayaarta halkan fadhida ayaa waxa ay naga codsadeen mudaaharaadkaas inay u helaan hab nololeed oo daamaanad qaadayo nolosha dadka inaanan qatar la gelininin, waxaan isla garanay waqtiga ay ku dhici karto waana 9 maalmood gudahood ” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “”Dhalinyarada wiilasha, gabdhaha iyo odayaasha ee runtii arrintaas ka shaqeynaayay waxaan ku amaaneynaa dadaalkoodii, waxaana ugu cudur daaraneynaa waqtiga isbeddalkiisa, laakiin waxaan ku beddalnay mudaharaad nabad ah oo aan khatar lahayn oo aan culeys lahayn”.

Haddaba sidee looga falceliyay dib u dhaca ku yimid dibadbaxa mucaaaradka?

Cabdiftaax Waaasuge: “Banaanbax lama diidana ee hubka aad wadataan iyo Police Station in la weeraro meel ay aduunka ka dhacdo ma laha waana nasiib xumo wayn”.

Cabdullahi Maxamed Siyaad: “Sida maanta loo qorsheeyey asigoo ka diyaarsan insha allah, guuleyso madaxweyne Shariif”

Axmed Suldaan: “Dhalinta yaan xaaba laga dhiganin ciyaalkiina qurbaha ayay idiin jiraanee”.

Abdikarim Jabra: “Muqdisho banaanbax nabadeed ma ka dhici karo, idinkuna diyaar uma tihiin ee foodo iyo dhib dhaco ayaad rabtiin”.

Albashiir Sheekh Cabdiweli: “Sheekh Shariifooy dhiiqaa lugaha laguu galinaa ee ka joog madaxweyne”.

Naaji: “Madaama, mudaharaadka mid nabadeed noqon doono waqtina haystaan, carruurtiina dibada nabada, waxbarashada iyo caafimaadka ku haysto hanagala soo qeyb galaan”.

 

- Advertisement -

Read more

Local News