27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Amiir oo sheegay wax ay ka dhigan tahay in uu baaqday banaanbaxii mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib baaqashada ku timid dibadbaxii maanta ee mucaaradka, dalka ayaa ka badbaaday ‘halis wayn’ sida uu shaaciyay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo warsaxaafadeed soo saaray.

Amiir ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dalka uu wajahay xaalad halis ah, balse laga hortegay, kadib dadaakii ay sameeyeen xildhibaannada iyo odayaasha dhaqanka Beesha Hawiye.

“Dalka wuxuu wajahay halis weyn, balse waxaa guuleystay midnimada iyo wadajirka shacabka iyo hoggaanka. Haddii uu wax noqon lahaa mid ka mid ah madaxdii goobta tagtay xaaladda intaan waa ka adkaan lahayd” ayuu yiri duqii hore ee Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay doorka ay qaateen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta xalay ku shiray caasimada, kadibna soo saaray go’aanka lagu baajiyay dibadbaxa.

“Hoggaamiyeyaasha dhaqanka sida Imaam Daahir iyo Ugaas Maxamuud, siyaasiyiin mucaarid iyo muxaafid, ganacsato iyo shacabka caadiga ah ayaa caddeeyey in marka la iskaashado wax kasta xal loo heli karo” ayuu mar kale yiri Maxamed Amiir.

Dhinaca kale wuxuu ammaanay madaxweyne Xasan iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, maadaama ay aqbaleen dhex-dhexaadinta laga dhex sameeyay oo guuleysatay.

Waxaa kale oo uu ka digay inay soo laabato dhacdadii saldhigga degmad Warta Nabadda, laguna dhex dagaalamo mar kale magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Madaxweyne Xasan Sheekh, oo safar ugu maqan Mareykanka, wuxuu muujiyey hoggaan iyo garasho odaynimo kadib markii uu si sharaf leh uga garaabay khaladaadkii loo geystay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale, Madaxweyne Shariif iyo Madasha ayaa si qaranimo leh u aqbalay in dib loo dhigo bannaanbixii la qorsheeyey”

“Dhacdadii 24-ka Sebtember waxay muujisay in khalad yar ama  hadal xanaf leh ay keeni karaan xaalad qori ku dambeysa. Sidaas darteed, waxaa lama huraan ah in hoggaanka dalka iyo mucaaridkuba ka fogaadaan eray kasta oo sii hurin kara xiisadda” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka oo u ugu baaqay deganaan iyo inay ka shaqeeyaan midnimada dalka, inta laga gudbayo marxaladda adag ee lagu jiro ” Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed inay midoobaan, dalka looga gudbo marxaladdan, loona jihaysto doorasho qof iyo cod si shacabka Soomaaliyeed ay u doortaan hoggaankooda mustaqbalka dhow”.

Xaaladda Muqdisho ayaa haatan deggan, waxaana muddo 9 cisho ah dib loo dhigay dibadbaxa mucaaradka oo loo qorsheeyay inuu ka dhaco Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay.

- Advertisement -

Read more

Local News