28.7 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Danjire Ilyaas oo qaaday tallaabo la xiriirta DRC Congo kadib dagaalkii Jabriil

Bookmark
Bookmarked

Share

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dalka DRC Congo oo ay dhawaan isku qabteen safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo shaqo u tegay dalkaasi.

Danjire Ilyaas oo gudanaya shaqadiisa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay dhiggiisa safiirka DRC Congo u fadhiya magaalada Dar es Salaam oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah, sida xoojinta xiriirka labada safaaradood, si ay u yeeshaan wada shaqeyn dhow.

Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen dhinacyada siyaasada, amniga iyo ganacsiga oo muhiim u ah labada dal oo ka wada tirsan Qaaradda Afirika.

Waxaa kale oo uu safiirka Soomaaliya dhiggiisa kala hadley sidii loo sii deyn lahaa muwaadiniin Soomaaliyeed ee maalmihii lasoo dhaafay  lagu xiray magaalada Lubambashi ee dalka Congo, si ay u helaan xorriyadood.

Ilyaas Cali  Xasan ayaa u muuqdo inuu xoojinayo shaqadiisa, maadaama uu u xilsaaran yahay danaha dalka DRC Congo, oo ay dhowaan shaqo ahaan isku qabsadeen isaga iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya.

Xiisadda labada safiir ayaa timid, kadib markii Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo wafdi ganacsato ah oo uu hoggaaminayo ay gaareen magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka ayaa ahaa xoojinta ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliyeed ee ku sii baahaya guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga, Bartamaha iyo Koonfurta qaaradda Africa. Ku biiritaanka ay Soomaaliya ku biirtay Urur Goboleedka Bariga Afrika taas oo sidoo kale siii dhiirigaliyay in ganasatada Soomaaliyeed  inay ku dhiiradaan in ganasigooda ku baahiyaan suuqayada Bariga Afrika, sida ay sheegtay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Intaas kadib Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa ka horymid tallaabada Jabriil wuxuuna tilmaamay in safaaradda Soomaaliya ee Dar es Salaam ay iyadu ay mas’uul uga tahay Soomaaliya danaha dalka DRC Congo.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in safiirka Soomaaliya ee Kenya aanu kusoo wargelin safarkiisa, sidaas daraadeedna uu ka baxsan yahay sharciga diplomaasiyadda iyo kan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn dagaalka ayaa waxaa markii dambe soo farogelisay wasaaradda arrimaha dibadda oo u yeertay labada Safiir, kadibna waxaa sidaas lagu xalliyay khilaafkooda.

- Advertisement -

Read more

Local News