26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

DENI oo shaaciyay xogta ajaaniib badan oo ay dileen

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo bixiyay wareysi cusub ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallada haatan ka socda aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee maamulkaasi.

Deni ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland ay guulo waa wayn ka soo hoyeen dagaalka, isla markaana ay jab culus gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay buuraha hoostooda ay ku dileen xubno badan oo Daacish ah, isaga oo xaqiijiyey inay u badnaayeen ajaanib kasoo kala jeeda dalal kala duwan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaarkood oo dhaawacyo ah ay weli ku sugan yihiin dhulka ay ku go’doonsan yihiin ee ay haatan ciidamada ka wadaan howlgalllada culus.

Saciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in inta badan ajaaniibta ay Puntland ku yimaadeen dalxiis, kadibna ay sidaas ugu biireen Daacish, balse waxaa uu intaasi ku daray in haatan ay xadideen kororka kooxda, ayna kahor tageen in dad cusub ay ku biiraan.

“Daacish waxa aan ka dilnay ajaanib badan oo Puntland ku imaan jirtay dalxiis ama ganacsi, dagaalka militariga ah waa gaba-gabo, xogta aan hayno 95% waan ka adkaanay, dhulka aan tagnay waxa ay ku lahaayeen beero” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa kale oo uu boggaadiyay ciidanka geesiyeyaasha ah ee howlgallada ka wada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, isaga oo u xaqiijiyay inay ku garab taagan yihiin dagaalka.

Calmiskaad ayaa fadhi weyn u ahayd maleeshiyada kooxd Daacish, faraceeda Soomaaliya, waxaana la rumeysan iyo hoggaamiyeyaal sar sare ay weli ku sugan yihiin halkaasi.

Si kastaba, dagaalka oo ah mid wayn ayaa waxaa ka qayb-qaata dalal kala duwan, sida Mareykanka iyo Imaaraadka oo duqeymo ka fuliya aagga ay ku sugan yihiin xubnaha Daacish.

- Advertisement -

Read more

Local News