30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xasan Sheekh oo BF la wadaagay qorshihiisa ku aadan Jubaland iyo Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxmauud oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, labadiisa gole ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn Baarlamaanka la wadaagay qorshihiisa ku aadan Jubbaland iyo Puntland oo uu kula jiro wada-hadal lagu dhameynayo khilaafka dhexdooda ah.

Madaxweynaa ayaa Baarlamaanka u sheegay in khilaafkooda ay dhawaan xalisanayaan, isla markaana aan lagu xalin doonin xoog iyo xabad ee lagu xalinayo miiska wada-hadalka.

“Waxaan wali dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha ka goos qabsaday in ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xasilinta siyaasadda dalka. Haddane maqaamka iyo mas’uuliyadda oo lagu kabay odaytinimada iyo nabad dooneynta mas’uuliyadda heer qaran, waxay na faraysaa in aan qof kasta oo wax tabanayo raadinno, waana ku sii soconaynaa wadadaas Alle idankii.” ayuu khdubaddiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxaamuud.

Sidoo kaue wuxuu madaxweynuhu intaasi sii raaciyay “Waxaan dooranay in khilaafka aan ku xalino wada hadal iyo is afgarad”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan la filayo in Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, halkaas oo uu ka bilaabi doono qorshihiisa ku aadan fulinta heshiiska uu la gaarayo Axmed Madoobe iyo Deni.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu jeedinayay khudbaddiisa kusoo hadal qaaday arrimaha dhaqaanaha, wuxuuna sheegay in miisaaniyadda dalka inta ugu badan lagu bixiyay xoreynta dalka, si looga adkaado kooxaha argagixisada ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in amniga caasimadda uu wax weyn iska bedelay siduu ahaa sanadihii hore, isla markaana hey’addaha amniga sugeen amniga, isla markaana Al-Shabaab iyo madaxdooda lagu beegsanayo meelo fog fog oo kamid ah dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News