Muqdisho (Caasimada Online) โ Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga degmada Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay toddobo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku kacay falal halis galinaya naftooda iyo tab bulshada.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay digniin adag u dirayaan dhammaan dhalinyarada inaysan garoomada iyo goobaha kale ee bulshada la soo gelin wax kasta oo dhaawac ama dhibaato u horseedi kara naftooda iyo tan bulshada.
“Tooreeyada, sakiimaha, iyo wixii lamid ah waa ka mamnuuc garoomada iyo goobaha kale ee dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.
Waxaa intaas lagu sii daray: “Qof kasta oo lagu helo isagoo ku kacaya fal khatar gelinaya naftiisa iyo tan dadka kale waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.”
Taliska ayaa sidoo kale xusay in la adkeynayo amniga garoomada ciyaaraha ee ay hadda ka socdaan tartanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo goobaha kale ee dadweynuhu isugu yimaado, si loo sugo badbaadada bulshada.
Boolisku waxay carabka ku adkeeyeen in aysan marnaba oggolaan doonin wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadgelyada guud.
Ugu dambeyntiina taliska booliska ayaa ku booriyay waalidiinta, maamulka garoomada, iyo bulshada inteeda kale in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago falalka halista ah ee dhalinyarada qaar ay ku kacayaan.