Roma (Caasimada Online) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay dhimeyso gargaarka cunnada ah ee ay siiso boqollaal kun oo qof oo ku nool Soomaaliya, halkaas oo malaayiin qof ay la daalaa dhacayaan saameynta ba’an ee isbeddelka cimilada iyo heerarka daran ee gaajada.
WFP waxay sheegtay in tirada dadka dalka ka hela gargaarka degdegga ah ee cunnada ay hoos uga dhici doonto 1.1 milyan oo qof bishii Agoosto illaa 350,000 oo qof bisha Nofeembar, taasoo loo aaneeyay “dhaqaale yaraan ba’an oo soo wajahday.”
“Waxaan arkeynaa kor u kac halis ah oo ku yimid heerarka gaajada ee xaaladaha degdegga ah, awooddeena wax ka qabashaduna maalinba maalinta ka dambeysa way sii yaraaneysaa,” ayuu yiri Ross Smith, oo ah agaasimaha u qaabilsan hay’adda u diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
“Haddii aan la helin dhaqaale degdeg ah, qoysaska markii horeba xaaladdoodu liidatay waxay noqon doonaan kuwo aan waxba haysan xilli ay baahida ugu weyn u qabaan.”
Sida ku cad warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay, 4.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa wajahaya heerar gaajo ah oo halis ah, iyadoo la saadaalinayo in 1.8 milyan oo carruur ah ay sanadkan la il-daran yihiin nafaqo-darro ba’an. Tiradaas, waxaa ku jira 421,000 oo carruur ah oo la tacaalaya nafaqo-darro aad u daran, balse hayโadda cunnada ee Qaramada Midoobay waxay awoodday oo kaliya inay caawiso qiyaastii 180,000 oo ka mid ah.
Soomaaliya kaligeed lama daalaa dhacayso saameynta ba’an ee isbeddelka cimilada, oo ay ku jiraan abaaraha iyo fatahaadaha, balse sidoo kale waxay wajahaysaa colaado iyo amni-darro dalka khal-khal gelinayay tobannaan sano. Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa maamusha qaar ka mid ah gobollada dalka.
Dhimista gargaarka dibadda ee Mareykanka ayaa uga sii dartay xaaladda wax ka qabashada ee hay’adaha gargaarka bani’aadannimada, kuwaasoo markii horeba la daalaa dhacayay sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha tirada sii kordheysa ee dadka nugul.
Barnaamijka Cunnada Adduunka wuxuu sheegay inuu u baahan yahay $98 milyan oo doollar si loo “sii wado hawlgallada naf-badbaadinta ee ugu muhiimsan, kuwaas oo loogu talagalay 800,000 oo qof inta lagu jiro xilliga cunnadu ku yar tahay illaa bisha Maarso 2026.”