Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah iyo bulshada caalamka inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, kadib weerarkii dhimashada lahaa ee kooxda Al-Shabaab ay ka geysatay xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in la joogo xilli ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo garab istaagga Soomaaliya iyo Hawl-galka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika (AUSSOM).
Maxamuud ayaa ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah ururka, kuwa ciidanka iyo booliska ku tabaruca iyo sidoo kale saaxiibbada caalamiga ah, inay sii kordhiyaan taageerada si wax ku ool ah loola dagaallamo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee weli khatar ku ah amniga dalka.
Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in taageeradaas ay muhiim u tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed oo ka hanaqaadda Soomaaliya.
Baaqan ayaa yimid saacado kadib weerar argagixiso oo lala beegsaday xarunta baaritaanka ee Jilacow, oo ah goob ammaankeedu aad u sarreeyo, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.
Guddoomiye Maxamuud ayaa tacsi u diray ehelada iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay, isagoo sheegay in Midowga Afrika uu garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya xilligan adag.
Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in hawl-galka AUSSOM uu sii wadi doono iskaashiga dhow ee uu la leeyahay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si loo xoojiyo ammaanka loona xasiliyo deegaanadii laga saaray kooxaha argagixisada ah.
Weerarka ay Al-Shabaab ay dhawaan ku galeen gudaha Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho ayaa imanaya xilli ay dowladdu furtay waddooyinkii u badnaa, kadib dadaal xooggan oo lagu xasiliyay amniga caasimadda.
Weerarkaas oo kooxdu usoo qorsheeyeen si ka duwan weeraradadii hore, iyagoo adeegsaday xeelad cusub oo ay ku qaldeen hay’adaha ammaanka, kadib markii ay isku soo ekeysiiyeen ciidamada, ayna isticmaaleen dareeska ciidanka Duufaan iyo astaantooda oo ay ku buufiyeen gaari Cabdi Bile ah oo ay u adeegsadeen qaraxa koowaad ee lagu furay weerarka.
Ragga weerarka fuliyay iyo gaarigooda ayaa magaalada kasoo galay dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna si caadi ah uga soo gudbeen ex-koontarool Afgooye, kadibna waxay soo abaareen gudaha oo ay ka fuliyeen weerarkooda oo ahaa bartilmaameed aad looga soo shaqeeyay.
Sidoo kale, waxaa u suurageliyay in gudaha ay usii gudbaan in Godka Jilacow ay xero ku dhex leeyihiin Duuufaan, taas oo keentay in aan laga shakin, lana baarin gaarigooda oo kadib qarxay, uuna xigay dagaalka ay meesha ku galeen raggii saarnaa oo dhammaantood xalay lagu toogtay gudaha taliska.
Weerarkan ayaa noqday mid muujinaya habacsanaanta habraaca ciidanku maraan gudaha caasimadda, iyadoo haatan dowladdu soo rogtay in la baaro gaadiidka ciidamada, si loo hubiyo cidda saaran.