Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa si qarsoodi ah cutub militari oo khaas ah ugu soo dirtay Soomaaliya si ay u taageerto hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee Mareykanku uu ka wado kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, tallaabadan oo dhacday iyadoo aan wax dood ah oo dadweyne ama baarlamaan ah laga yeelan, sida uu qoray wargeyska Expressen.
Diritaanka askartan Swedish-ka ah ee Soomaaliya ayaa ah koox yar oo sirdoon ah oo ka tirsan Guutada Amniga ee 13-aad ee Ilaalada Boqortooyada (Life Guards’ 13th Security Battalion).
Kooxdan ayaa ah khubaro ku xeel-dheer ururinta iyo falanqaynta xogta aqoonsiga noolaha (biometric data), oo ay ku jirto DNA, taasoo laga soo qaado goobaha qaraxyadu ka dhaceen iyo xubnaha looga shakisan yahay inay yihiin mintidiin.
Hawlgalkoodu waa inay ka caawiyaan ciidamada Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) aqoonsiga iyo dabagalka xubnaha Al-Shabaab.
Dowladda Sweden waxay guddiga difaaca ee baarlamaanka warbixin ka siisay hawlgalkan kaddib markii uu wargeyska Expressen bilaabay inuu saraakiisha su’aalo ka weydiiyo arrintan.
Xogtii la siiyay guddiga ayaa si degdeg ah loogu shaabadeeyey sir culus, taasoo hor istaagtay in si furan looga doodo. Dowladda ayaa ku adkaysanaysa in diritaanka ciidankan aanu ahayn “ciidan hubeysan,” taasoo ah qeexitaan u saamaxaya inay ka baaqsato cod baarlamaan.
Hawlgalkani wuxuu iftiiminayaa iskaashi amni oo sii qoto dheeraanaya, balse qarsoodi ah, oo u dhexeeya Stockholm iyo Washington ee Geeska Afrika.
Heshiis sir ah oo lala galay Soomaaliya
Saldhigga sharciyeed ee hawlgalkan ayaa ah heshiis iskaashi oo laba geesood ah oo ku saabsan “nabadda iyo xasiloonida,” kaasoo ay Sweden iyo Soomaaliya kala saxiixdeen bishii Maarso.
Qodobada ku jira heshiiskan waa kuwo qarsoodi ah oo aan la shaacin. Danjirihii hore ee Sweden u fadhiyay Soomaaliya, Joachim Waern, ayaa xaqiijiyay in isaga loo idmaday saxiixa heshiiska, balse wuxuu dhammaan su’aalihii ku saabsanaa nuxurkiisa u gudbiyey Wasaaradda Difaaca.
Wasiirka Difaaca, Pål Jonson, ayaa difaacay hawlgalka, isagoo sheegay inuu “abuurayo shuruudaha sharciyeed ee u saamaxaya shaqaalaha Swedish-ka inay ka hawlgalaan dhulka Soomaaliya.”
Warbixin uu soo saaray xoghayaha saxaafadda ee Jonson, Johan Hjelmstrand, ayuu ku sheegay in ujeeddadu tahay “in la suurtageliyo tababar, la-talin iyo taageero kale oo la siiyo ciidanka Soomaaliya,” taasoo lagu xoojinayo awoodda amni ee Soomaaliya u gaarka ah.
Si kastaba ha ahaatee, la’aanta daah-furnaanta ayaa dhalisay dhaleecayn. Peter Hultqvist, oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan, isagoo sabab uga dhigay nooca sirta ah ee warbixinta.
Go’aanka lagu bixinayo kheyraadka hawlgal uu Mareykanku hoggaaminayo oo Afrika ka socda ayaa sidoo kale kiciyey walaac gudaha ah, xilli ay jirto xiisad amni oo sareysa oo ka taagan deegaannada ku dhow Sweden.
Adeegga Sirdoonka Amniga ee Baarista Dambiyada
Cutubkan Swedish-ka ah, oo loo yaqaan KTSU (Forensic Security Intelligence Service), ayaa si buuxda loogu dhex daray ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan warbixinnuhu, shaqaalaha qaar ayaa ka hawlgala goobaha hore si ay u soo ururiyaan caddeymaha dembi-baarista, halka kuwa kalena ay diiradda saaraan falanqaynta iyo fasiraadda xogta. Mareykanka ayaa si gaar ah uga codsaday Sweden khibraddeeda aqoonsiga DNA-da si looga caawiyo xaqiijinta aqoonsiga argagixisada la dilay ama looga shakisan yahay.
Xogtan sirdoon ee aqoonsiga noolaha waxaa lala wadaagaa ciidamada Mareykanka iyo Hay’adda Amniga Sweden (Säpo). Kooxdan, oo ka kooban ilaa 15 khabiir, waxay ku shaqeysaa hab is-beddel ah.
Hawlgalkani wuxuu ku soo beegmayaa xilli Mareykanku uu sii wado ololihiisa muddada dheer soo socday ee duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hawlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, oo uu u arko inay halis weyn ku tahay xasiloonida gobolka.
Taliska AFRICOM ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo ka-qaybgalka Sweden, wuxuuna su’aalaha u weeciyey dhanka dowladda Sweden.
Diritaanka ciidankan waxay hoosta ka xariiqaysaa danta istiraatiijiyadeed ee Sweden ay u qabto ka-qaybqaadashada dadaallada amniga caalamiga ah ee ka baxsan gobolkeeda.
Wasaaradda difaacu waxay sheegtay in hawlgallada noocan oo kale ah ay bixiyaan “khibrado muhiim ah oo xoojiya awoodaha Sweden u gaarka ah” isla markaana taageeraya “hannaanka caalamiga ah ee sharciga ku dhisan.”