28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Galmudug oo go’aan kasoo saartay kiiska raggii dilay hooyadii iyo carruurteedii

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa maanta goob fagaare ah kusoo bandhigtay saddex eedeysane oo loo haysto inay ka dambeeyeen dil dhawaan loo gaystay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kaas oo ka dhacay agagaarka deeganaka Qaayib ee gobolka Galgaduud ee bartaha Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Galmudug Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddexda nin oo baxsad ahaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay qaaday Galmudug, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada Booliska iyo kuwa Daraawiishta ee soo xiray eedeysanayaasha.

“Howlgalkan oo ahaa howlgal qorsheysan si fiicana looga baaran dagay ayaa waxaa lagu soo qabtay raggaas oo tiro ahaan dhammaa saddex nin, kuna eedeysan ficilka foosha xun” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu shaaciyay go’aan cusub oo la xiiira kiiskan, isaga oo sheegay in si deg-deg ah maxkamad loo horgeyn doono eedeysanayaasha, si looga qaado tallaabo adag.

“Kiiskan wuxuu u gudbi doonaan maxkamad, wixii kasoo kordhana waan idinla wadaagi doonaa” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa dad badan ay ka xumaadeen, waxaana habeen hore ay ka dhacday gobolka Galgaduud, iyadoo si arxan darro ah loo dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay sheegay in xilliga la dilayay hooyada iyo carruurteeda ay hurdayeen, waxaana rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaadka oo madaxa ka wada toogtay, sidoo kalena waxaa dhaawac uu soo gaaray qof kale oo la joogay qoyska.

Allaha u naxariistee marxuumiinta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood oo kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Axmed Maxamuud, wuxuuna falkaan noqday mid ay ka argagaxeen shacabka.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in falkan uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagneyd deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

Muddooyinkii dambe waxaa gobollada dhexe kusoo badanayay dilalka noocaan oo kale ah, waxaana ay ahayd dhawaan kadib markii Dr Cumar Cabdi Daahir (Surweyn), oo kamid ahaa dhaqaatiirta da’da yar ee ka howlgala degmada Gaalkacyo loo dilay aano qabiil darteed. Dhaqtarka ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag hubeysan oo toogtay, kadibna ka baxsaday goobta, kuwaas oo illaa iyo hadda aan lasoo qaban.

Waa dhaqtarkii labaad oo loo dilay sabab la xiriirta aano qabiil, waxaana horay sidaan oo kale isna Gaalkacyo loogu dilay Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo loogu dhex-tegay xaruntiisa, kadib markii uu ugu galay nin ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay qoray AK47 ah.

Xeeladdii Xasan Sheekh ee Kismaayo

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News