25.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Guudlaawe oo galay difaac siyaasadeed kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa haatan galay difaac wayn oo siyaasadeed, isaga oo bilaabay inuu is adkeeyo, maadaama haatan wixii ka dambeeyo la galayo doorashooyin.

Cali Guudlaawe oo indhawaanahan la kulmayay cadaadis xoogan iyo khilaafaad siyaasadeed oo wayn ayaa haatan bilaabay is difaacid, si uu uga hortago culeyska kusoo wajahan oo ay ugu horreyso doorashada uu dhawaan geli doono ee lasii qorsheeyay.

Dowladda Federaalka ayaa lasoo warinayaa in hadda ay waddo qorshe ballaaran oo doorasho looga qabanayo saddexda maamul goboleed ee kala ah Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, si loo cusbooneysiiyo muddo xileedka madaxdan oo dhammaaday.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana la filayaa in isbeddallo waa wayn ay ka dhacaan saddexda maamul, sida ay qorsheyneyso Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Cali Guudlaawe wuxuu hadda qaaday tallaabadii ugu horreysay oo is dhuujin siyaasadeed ah, wuxuuna gebi ahaan mamnuucay in diyaarado hub iyo ciidan sida ay soo galaan deegaannada HirShabelle ama ay kasoo degaan garoomadeeda.

Warqad digniin ah oo kasoo baxday wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee maamulka HirShabelle ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in diyaaraduhu soo qaadan ciidan iyo hub toona. Digniintan ayaa rasmi ah loo gaarsiiyay dhammaan hay’adaha, shirkadaha iyo agencies-ka ka howl-galka garoomada diyaaradaha ee hoos yimaada maamulka HirShabelle.

“Waxa si adag loo mamnuucay in diyaarado ciidan hubeysan ama kuwa sida hub iyo qalab milatari sharci-darro ah ay soo galaan garoomada diyaaradaha, iyadoo aan la marin nidaamka iyo habraaca dowladda HirShabelle,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maamulka HirShabelle.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “”Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay mar kale ku celinaysaa in aan la aqbali doonin diyaaradd kasta oo hub ama ciidan wadata oo aan la ogayn,”.

Si kastaba, Arrintan ayaa imanaysa xilli siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda HirShabelle ay ku quud-daraynayaan hoggaanka maamulkaasi, iyadoo la sheegay in qaar kamid ah ay isku dayayaan in ay ciidan ama hub keensadaan si ay u abuuraan cadaadis siyaasadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News