25.4 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Baarlamanka oo ansixyay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, si uu guda galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

Gudddigan oo ay maanta baarlamaanka horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel-mariay.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoum oo oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa golaha uga mahadcelisay sida sharafta leh ee ay meel mariyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Khadiija ayaa dhismaha guddigan ku tilmaamtay guul taariikhi ah oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, waxayna intaasi ku dartay in waqti badan ay gelisay.

“Waxaan uga mahad celinayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS sida sharafta leh ee ay maanta noogu ansixiyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. Ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waa guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waana taariikh mug leh oo ay Soomaaliya qortay maanta . Ka Wasiir ahaan waxaa sharaf ii ah inaan maanta Taariikhdaas qorideeda hormuud u ahay” ayaa qoraalkeeda ku tiri.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Geediga dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo soo socday mudo fog waxa ay tahay fariin weyn oo ay Soomaaliyada cusub u direyso caalamka iney ka dhabeyneyso hormarinta Xuquuqul Insaanka taasi oo ah mid ka mid ah waajibaadka ay Wasaaradda aan Wasiirka ka ahay u idman tahay”.

Sidoo kale waxa ay soo hada qaaday guushii ay dhowaan Soomaaliya kasoo hoysay shirkii Xuquuqul Insaanka QM ee magaalada Geneva, kadib markii si rasmi ah loo meel mariyey qaraar muhiim ah, oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd  tan iyo 1993-dii.

“Dhaarinta iyo ansxinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo guushii dhowaan ay Soomaaliya kasoo gaartay shirkii Xuquuqul Insaanka QM ee magaalada Geneva waxa ay qeyb ka yihiin guullaha isdaba joogga ah ee ay Xukuumadda Dan Qaran ka gaartay fagaarayaasha caalamka iyo dhismaha hay’adaha Dowliga” ayay mar kale tiri.

Guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii QM ee loogu codeeyey ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka Xuquuqul Insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sanadoodba mar.

Horay Soomaaliya ayaa u xaqiijisay guulo waa wayn, oo ay kamid tahay ku guuleysiga kursiga aan joogtada aheynd ee Qaramada Midoobay iyo ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC.

- Advertisement -

Read more

Local News