26 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Askarta Imaaraadka uu ka keenay Colombia oo xog ka bixiyey saldhigga Boosaaso

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Saldhig militari oo Imaaraadka Carabtu ku leeyahay magaalada dekadda ah ee Boosaaso ayaa loo isticmaalayaa xarun ay sii maraan calooshood-u-shaqaystayaal Colombian ah oo ka dagaallamaya dagaalka sokeeye ee Sudan, sida lagu sheegay baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen wargeyska The Guardian iyo warbaahinta Colombia ee La Silla Vacía.

Warbixinta ayaa lagu ogaaday in askar hore oo Colombian ah lagu qoray qandaraasyo amni oo gaar ah, lana soo marsiiyay Geeska Afrika si ay ugu biiraan Ciidanka Dhaqdhaqaaqa Degdegga ah (Rapid Support Forces – RSF), oo ah koox awood badan oo maleeshiyo ah oo lagu eedeeyay inay gabood-fallo ka geysteen gobolka Darfur ee dalka Sudan.

Mid ka mid ah dagaallamayaasha Colombian-ka, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay in safarkiisu uu ka soo bilowday magaalada Bogotá, halkaas oo uu ku saxiixay heshiis mushaar bille ah oo dhan $2,600.

Waxaa diyaarad looga qaaday dalka Itoobiya, kaddibna loo wareejiyay saldhig uu Imaaraadku maamulo oo ku yaalla Boosaaso, ka hor inta aan la geyn magaalada Nyala ee gobolka Darfur ee dalka Sudan, sida uu sheegay.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istaraatiijiyadeed ee Boosaaso ay ku leedahay hawlgallada gobolka ee Imaaraadka.

Xogta saldhigga Boosaaso

Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, taasoo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo RSF.

Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo oo aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaalida.

Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen Raadaarka Hawlaha Badan ee ELM-2084 (ELM-2084 Multi-Mission Radar) oo lagu sameeyay Israel, kaasoo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.

Nidaamkan, oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel oo awood u leh inuu la socdo in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa waxaa loo malaynayaa inuu Imaaraadku rakibay iyadoo aysan ka warqabin dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.

Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istaraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.

Xulufo goboleedyada Imaaraadka

Falanqeeyayaasha amniga ayaa ku tilmaamay abuuritaanka Abu Dhabi ee wax ay ugu yeereen “isbahaysiga gooni-u-goosad”, oo ah shabakad ka kooban hoggaamiyeyaal maxalli ah oo awood leh iyo maamul-goboleedyo madaxbannaan sida Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo loo adeegsado in lagu muujiyo awoodda Imaaraadka iyadoo laga tallaabsanayo dawladaha dhexe.

Warbixintaasi waxay faahfaahisay sida Imaaraadku u abuuray isbahaysiyo gobol oo uu u maray heshiisyo dekedo, shirkado amni oo gaar loo leeyahay, iyo shabakado maaliyadeed si uu u helo saameyn istaraatiiji ah oo ka soo billaabata Liibiya ilaa Yemen iyo Soomaaliya.

Waxa kale oo ay iftiiminaysaa raadka militari ee sii fidaysa ee Imaaraadka Carabta ee guud ahaan Geeska Afrika, oo ay ku jiraan xarumo militari oo ku fidsan jasiiradaha Suqadara ee Yemen ilaa Berbera oo ku taal Somaliland iyo Boosaaso oo ku taal Puntland.

Saraakiisha Colombian-ka ayaa qiray in boqollaal askari oo hore ay shaqaaleysiiyeen shirkado gaar loo leeyahay oo ku xiran colaadaha dibadda, iyadoo qaarkood la sheegay inay tababaraan askarta cusub ee RSF, oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaarin, sida ay sheegtay warbaahinta La Silla Vacía.

Wararkan soo shaac baxay ayaa su’aalo cusub ka keenay madaxbannaanida Soomaaliya iyo heerka dhulkeeda loo adeegsan karo hawlgallo militari oo shisheeye.

Dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland weli kama aysan hadlin eedeymahan, Imaaraadka Carabtuna weli jawaab rasmi ah kama uusan bixin.

Dagaalka Sudan wuxuu qarxay bishii Abriil 2023, wuxuuna u dhexeeyaa ciidanka RSF oo uu hoggaamiyo Janaraal Maxamed Xamdaan Dagalo (Xameti), iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Sudan oo uu hoggaamiyo Janaraal Cabdifataax al-Burhan.

Colaaddu waxay barakicisay malaayiin qof, waxay sababtay macaluul baahsan, waxayna dhalisay in dib loogu kuurgalo doorka shisheeyaha ee lagu eedeeyay inay sii hurinayaan dagaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News