28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

ITOOBIYA oo yeelanaysa Nukliyeer ay dooneyso in ay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa ansixiyay xeer cusub oo lagu dhisayo Guddiga Korontada Nukliyeerka ee Itoobiya, inta lagu guda jiray fadhigii joogtada ahaa ee 49-aad ee golaha.

Xeerkan cusub ayaa loogu talagalay inuu noqdo hage iyo nidaam mideeya isticmaalka nabdoon ee tiknoolajiyada nukliyeerka, si uu ula jaanqaado habraacyada iyo shuruucda caalamiga ah ee la xiriira arrimahaas.

Guddiga la dhisayo ayaa yeelan doona awood buuxda oo uu ku maamulo, ku kormeero, isla markaana ku hago adeegsiga cilmiga nukliyeerka meelaha ay ka mid yihiin dhalinta korontada, horumarinta warshadaha, caafimaadka, amniga cuntada, iyo cilmi-baarista sayniska.

Bishii Septembar ee sanadkan, Itoobiya iyo Ruushka ayaa kala saxiixday qorshe hawleed lagu horumarinayo mashruuca tamarta nukliyeerka ee Itoobiya, taasoo qayb ka ah iskaashi ballaaran oo labada dal ka dhex socda, gaar ahaan arrimaha tamarta iyo tignoolajiyada.

Heshiiskaas, oo la saxiixay 25-kii Septembar 2025, waxaa qalinka ku duugay Alexei Likhachev, Agaasimaha Guud ee Shirkadda Tamarta Nukliyeerka ee Ruushka (Rosatom), iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timotheos.

Qodobada heshiiska ayaa qeexaya qorshe tallaabo-tallaabo ah oo lagu fulinayo iskaashi farsamo iyo mid dhaqaale, si loo dhiso warshad koronto nukliyeer ah oo Itoobiya yeelato mustaqbalka dhow.

Dhawaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Moscow kaga dhawaaqay in dalkiisu hirgelin doono barnaamij tamar nukliyeer ah.

Abiy wuxuu sheegay in Itoobiya muddo dheer xoogga saareysay tamarta nadiifta ah, isagoo tusaale u soo qaatay biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam, kaas oo uu ku tilmaamay calaamad muujinaysa go’aanka dalkiisa ee ku aaddan ka faa’iidaysiga ilo tamareed aan wasakhaynin.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa markaas shaaciyay in barnaamijka cusub uu qayb ka yahay iskaashi Ruushku hormuud u yahay, kaas oo ku wajahan horumarinta tignoolajiyadda nukliyeerka.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale caddeeyay in Itoobiya aysan ku koobnaan doonin kaliya awoodda tamarta hadda jirta, balse ay qorsheynayso in kor loo qaado wax-soo saarka si loo taageero horumarka bulshada iyo dhaqaalaha. Sida uu sheegay, nukliyeerku wuxuu noqon doonaa tiir muhiim u ah mustaqbalka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News