27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Itoobiya oo soo dhaweyn maqaam sare leh u sameysay Cabdiraxmaan Cirro + Sawiro

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa soo dhaweyn maqaam sare leh u sameysay Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa  oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Bole International Airport ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Itoobiya Gedion Timotheos iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladd Federaalka Itoobiya.

“Soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid uu hab-maamuuskeedu sarreeyo, waxa ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kaddibna waxa loo galbiyey goobta ay degi doonaan magaalada Addis Ababa” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, waxaana safarkiisa uu xambaarsan yahay ujeeddooyin diblomaasiyadeed oo miisaan leh, kaasi oo lagu xoojinayo xidhiidhka taariikhiga ah, iskaashiga istiraatiijiga ah iyo danaha muhiimka ah ee ka dhexeeya labada dhinaca.

Sidoo kale inta Cirro uu ku sugan yahay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, waxa uu kulamo heer sare ah la yeelan doonaa madaxda ugu sarraysa dalka Itoobiya.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga labada dal, kor u qaadidda ganacsiga iyo isu-socodka labada dhinac, iyo sidoo kale ka wada-shaqeynta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Cirro waxaa safarkiisa ku wehelinaya wafdi ay ka mid yihiin: Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Madaxtooyada, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Maalgashiga, Taliyaha Ciidanka iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Somaliland.

“Safarkan ayaa waxa uu muujinayaa muuqaalka cusub ee diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo sida ay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cirro ugu dedaalayso in ay kor u qaaddo sumcadda, madax-bannaanida dhuleed iyo diblomaasiyadeed iyo kaalin muhiimka ee Somaliland ku leedahay mandaqadda Geeska Afrika iyo caalamka,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka ay shaacisay Madaxtooyadu.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa hore u galay heshiis is-afgarad oo badda ah, kaasi oo xiisad xooggan ka dhex abuuray Muqdisho iyo Addis Ababa, taas ok markii dambe ay madaxda labada dal ka gaareen isfaham, si meesha looga saaro mad-madowga xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si kastaba, ma cadda in mar kale dib boodhka looga jafayo is-afgaradkii buray, iyadoo xalay warbaahinta Itoobiya tebisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu taageeray in Itoobiya gaadho Badda Cas.

Taageerada ay sheegtay wakaaladda wararka ee Itoobiya inuu Madaxweynaha u muujiyay damaca soo gaarista badda, ayaa waxaa ku lamaan “madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya”. Taas ayaa loo fasiray in Soomaaliya ay dooneyso in Itoobiya ay u fasaxdo isticmaalka mid kamid ah dekedaheeda, una madax-banaaneyso, iyadoo meesha laga saarayo “qaadasho” oo ah sida ay ku taameyso Addis Ababa.

Dowladda Itoobiya ayaa marba marka ka dambeysay sii xoojineysay isku deyga ay ku dooneyso inay ku gaarto biyaha Badda Cas, waxayna dadaal badan gelisay sidii ay u dhisi laheyd ciidamo bad, oo ay leedahay.

 

- Advertisement -

Read more

Local News