27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

HirShabelle oo qaaday tallaabo si weyn loola yaabay + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa maanta qaaday tallaabo si weyn loola yaabay, isla markaana dhalisay falcelin xooggan, kadib markii ay sheegtay inay ka shaqeyneyso dhismaha guddiga amniga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo haatan gacanta ugu jirta kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda amniga HirShabelle ayaa maanta magaalada Jowhar ka daahfurtay shirka ay ku sheegtay in lagu dhisayo guddiga amniga Aadan Yabaal, si loo soo xulo xubno ka kala socda ururrada bulshada rayidka ah, maamulka degmada iyo hay’adaha ammaanka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay wasiirka amniga HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda, Mudane Mukhtaar Maxamed Cabdulle, maamulka degmada Aadan Yabaal, saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, intii uu shirka socday shirka ayaa waxaa looga dooday muhiimada uu dhismaha guddigan u leeyahay amniga, isla xisaatanka maamulka, hay’adaha amniga iyo bulshada taas oo muujineysa wada-shaqeyn toos ah oo dhex merta dhinacyada si oo xaqiijyo amniga.

Sidoo kale, ujeeddada dhismaha guddigan ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto xoojinta amniga, kordhinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, iyo sare u qaadista nabadgelyada iyo badqabka bulshada ee degmada Aadan Yabaal.

“Wasaaradda amnigu waxaa ka go’an in la dhiso guddiyo amni oo tayo leh, kuwaas oo si dhow ula shaqeeya bulshada iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo amni waara iyo wadajir bulshada dhexdeeda ah. Aadan Yabaal waa deegaan muhiim ah, waxaana rabnaa in guddigan uu noqdo tusaale wanaagsan oo lagu daydo.” ayuu yiri Wasiir Khayre.

Arrintan ayaa keentay falcelin xooggan oo ay shacabka sameeyeen, waxaan su’aallo ay ka keeneen guddiga loo dhisayo degmada Aadan Yabaal oo ay gacanta ku hayso Shabaab.

Mukhtaar Maxamed: “Dadkaan dad waalan miyaa mise hadda ayaa lagu soo socdaa degmada Aadan Yabaal mida Alshabaab ay maamuleyso ma ah miyaa?”.

Cabdiraxmaan Xuseen: “Xaafadaha Jowar meel ka mid ah miyaa Aadan Yabaal la dhahaa?”

Aadan Birqaay: “Meel aad tagi karin ayaad guddi u sameyneysaa maxay qabanayaan maxayse ku soo kordhinayaan shacabka Aadan Yabaal?”.

Deeqow Heyfow: “Adan Yabaal aaa dadkaan dad xanuunsan miyaa?”.

Cabdulllahi Xaaji: “Hal mar xataa kuma soo hadal qaadin shirkaas sidee Aadan Yabaal loo xoreyn karaa?”.

Goodax Dulmidiid: “Magaalo aan la tagi karin ayaa la leeyahay amnigeeda ayaa laga hadlaa yaab”.

- Advertisement -

Read more

Local News