Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Hindiya, oo maalmahan lagu daaweynayay, kadib xaalado caafimaad darro oo soo wajahay.
Wararka ayaa sheegaya in uu ku sugnaa xarunta Ayuverdic ah oo ku taalla gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya, halkaasna uu ku geeriyooday
Qaar kamid ah ehellada Raila Odinga ayaa xaqiijiyey geeridiisa, waxaana ay sheegeen in laga daaweynayay xannuun wadnaha ah, kadibna sidaas loogu qaaday dalka Hindiya oo uu maanta ku geeriyooday.
Ninkan oo 80 sano jir ahaa ayaa muddo dheer hoggaaminayay mucaaradka Kenya waxaana dhowr jeer oo uu galay doorashada dalkaas looga adkaaday, gaar ahaan tartamadii ay isku wajaheen madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo William Ruto oo hadda jooga.
Hoggaamiyahan ayaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay isaga oo mucaarad ah, kadib markii uu guuldareystay 5 olole oo Madaxweyne, tan ugu dambeysayna ay ahayd 3 sano ka hor.
Sidoo kale, Raila Odinga ayaa dhawaan u tartamay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaase uga guuleystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ka socday dalka Jabuuti.
Odinga wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Kenya (2008–2013) iyo hogaamiyaha xisbiga ODM, sidoo kale wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta Kenya, gaar ahaan heshiiskii 2018 ee uu la galay Uhuru Kenyatta.
Wuxuu Raila Amolo Odinga ku dhashay Isbitaalka Maseno Church Missionary Society Hospital, ee Maseno, Degmada Kisumu, ee Gobolka Nyanza 7 Janaayo 1945. Sidoo kale wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo saddex caruur ah.
Geeridiisa ayaa si weyn u gilgishay gudaha dalka Kenya, warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu ahaa rug-cadaa siyaasadeed oo muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasadda.