Kabul (Caasimada Online) – Tobannaan askari iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay israsaasayn hor leh oo Arbacadii ka dhacday xuduudda u dhaxaysa Pakistan iyo Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiil ka kala socda labada dhinac ee xuduudda, xilli ay iska horimaadyadu galeen toddobaadkoodii labaad.
Rabshadaha u dhexeeya labada dal ee deriska ah ayaa soo cusboonaaday tan iyo markii ay qaraxyo ka dhaceen Afghanistan toddobaadkii hore, oo ay ku jiraan laba ka dhacay caasimadda Kabul, kuwaasoo lagu eedeeyay Pakistan.
Dowladda Taliban ee Kabul ayaa aargoosi ahaan weerar ku qaadday qaybo ka mid ah xuduuddeeda koonfureed, taasoo keentay in Islamabad ay ku gooddiso inay bixin doonto jawaab celin adag.
Islamabad ayaa ku eedaysay Afghanistan inay gabaad siiso kooxo mintidiin ah oo ay hoggaamiso kooxda Taliban-ka Pakistan ee Tehreek-e-Taliban (TTP), eedeyntaas oo ay Kabul beenisay.
Rabshadihii ugu dambeeyay, ciidanka militariga Pakistan ayaa ku eedeeyay Taalibanka Afghanistan inay weerareen labo saldhig oo waaweyn oo ku yaalla xuduudda ee koonfur-galbeed iyo woqooyi-galbeed.
Militeriga Pakistan waxa uu sheegay in labada weerarba la iska caabbiyay, iyadoo lagu dilay ilaa 20 dagaallame oo Taliban ah weerarro Arbacadii aroortii hore lagu qaaday meel u dhow Spin Boldak oo dhinaca Afghanistan ee xuduudda ee gobolka Kandahar.
“Nasiib darro weerarka waxaa laga soo abaabulay tuulooyin kala qaybsan oo aagga ku yaalla, iyadoo aan loo aabayeelin dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay militariga.
Waxa kale oo uu sheegay in la rumeysan yahay in ilaa 30 kale lagu dilay iska horimaadyo habeenkii ka dhacay xuduudda woqooyi-galbeed ee Pakistan.
Dhanka kale, Taalibanka Afghanistan waxay sheegeen in 15 qof oo rayid ah ay ku dhinteen, tobannaanna ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadii ka dhacay meel u dhow Spin Boldak, iyo sidoo kale in “laba ilaa saddex” ka mid ah dagaallamayaashooda la dilay.
Ali Mohammad Haqmal, oo ah afhayeen u hadlay waaxda warfaafinta ee gobolka Spin Boldak, ayaa sheegay in dadka rayidka ah lagu dilay madaafiic.
Afhayeenka dowladda Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa ku eedeeyay ciidamada Pakistan inay “mar kale” weerarro “hubka fudud iyo kan culus isugu jira” ku qaadeen degmada.
Mujahid ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in sidoo kale ay dhaawacmeen 100 qof oo rayid ah, isagoo intaa ku daray in deggenaansho ay kusoo laabatay aagga kaddib markii la dilay askar Pakistani ah, lana qabsaday saldhigyo iyo hub.
Militeriga Pakistan ayaa sheegay in eedeymahani ay yihiin “been abuur cad oo aan sal lahayn”.
Pakistan ma aysan shaacin khasaaraha kasoo gaaray iska horimaadyadii ugu dambeeyay, laakiin waxay toddobaadkii hore sheegtay in 23 ka mid ah ciidamadeeda lagu dilay israsaasayntii ugu horreysay.
Weerarrada oo sii kordhay
Sadiq, oo ah nin deggen Spin Boldak oo magaciisa koowaad oo kaliya sheegay, ayaa yiri dagaalku wuxuu billowday abbaare 4:00 subaxnimo.
“Guryaha ayaa la rasaaseeyay, oo uu ku jiro guriga ina-adeerkay. Wiilkiisa iyo xaaskiisa ayaa la dilay, waxaana dhaawacmay afar ka mid ah carruurtiisa,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Dhammaan goobihii ganacsiga ee aagga ayaa xirnaa, dad badan oo deegaanka ahna way ka barakaceen, sida uu soo sheegay weriye ka tirsan AFP.
Magaalada Chaman ee dhinaca Pakistan ee xuduudda, mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa iska horimaadyadii waaberiga ku sifeeyay “fowdo buuxda”.
“Carruurteenna iyo haweenkeennu way argagaxeen oo waxay billaabeen inay qeyliyaan… ma aanan ogeyn waxa dhacayay,” ayuu Raaz Muhammad oo 51 jir ah, taleefoonka ugu sheegay AFP.
Dhacdo ka duwan iska horimaadyada xuduudda, sarkaal sare oo dhinaca amniga ah oo ku sugan Peshawar ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee woqooyi-galbeed Pakistan, ayaa sheegay in toddoba askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada xuduudda lagu dilay weerar lagu qaaday bar koontarool.
Kooxda hubaysan ee Ittehad-ul-Mujahideen oo ah mid curdun ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.
Wasiirka Difaaca ee Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, ayaa toddobaadkii hore u sheegay baarlamaanka in dhowr isku day oo lagu doonayay in Taalibanka Afghanistan looga dhaadhiciyo inay joojiyaan taageerada TTP ay fashilmeen.
Islamabad ayaa ku eedaysa TTP — oo tababar dagaal ku soo qaadatay Afghanistan sheegatana inay isku mabda’ yihiin Taalibanka halkaas jooga — inay dileen boqollaal askari oo Pakistani ah tan iyo markii ay Taliban dib ugu soo laabteen awoodda Kabul sanadkii 2021.
Qaraxyadii toddobaadkii hore ka dhacay Afghanistan waxay yimaadeen xilli diblomaasiga ugu sarreeya Taliban uu booqasho aan hore loo arag ku marayay dalka India, oo ah dalka ay Pakistan sida weyn u xafiiltamaan. Ma jirto koox weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaas.
Iska horimaadyadu waxay qarxeen fiidnimadii Sabtida markii ay Kabul hawlgal ka billowday ugu yaraan shan gobol oo ku teedsan xuduudda.
Dowladda Taliban waxay sheegtay inay weerartay ciidamada amniga Pakistan si ay “uga aargudato duqeymo cirka ah oo ciidanka Pakistan ka fuliyeen Kabul”.
Islamabad ayaa markaas Axaddii ku gooddisay jawaab celin xooggan, waxaana la soo sheegay khasaare tobannaan qof gaaraya oo labada dhinacba soo kala gaaray.