28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

DF oo isku dayaysa inay aamusni ku dhisto Jubaland-ta cusub ee Gedo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku dayeysa inay qariso xogta dhismaha Jubaland-ta cusub oo qorshaheeda ka wado gobolka Gedo.

Qorshahan oo dowladdu ku dhaqaaqday kadib fashilkii wada-hadalladii Kismaayo ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa haatan u muuqda in ay isku dayeyso inay daaha dabadiisa ka wado illaa laga soo dhameystirayo dhismaha maamulkan cusub ee ka garab dhisayso Jubaland.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Saadad Caliyow ayaa sheegay in uusan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan dhismaha maamul cusub oo la yiraahdo “New Jubaland” oo laga hirgelinayo gobolka Gedo.

Wasiiru-dowlaha ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha aysan ka war qabin qorshe noocaas ah, isla markaana ay weli socdaan wada-hadallo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland.

Saadad ayaa tilmaamay in wada-hadallada labada dhinac ay salka ku hayaan arrimaha maamulka iyo wada-shaqeynta, sidaas darteeda uusan jirin wax qorshe ah oo dowladda ka leedahay dhismaha maamul cusub oo laga garab sameeyo Jubaland, sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo uu diiday sharciyadda hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Madoobe, haddana wuxuu Wasiiru-dowluhu isku dayay inuu qariyo xogta dhismaha maamulka cusub, kaasi oo sida aan baahinay qorshihiisu bilowday kadib markii uu Xasan Sheekh ka soo laabtay Kismaayo.

“Anigu waxaan aaminsanahay in Jubaland hore loo dhisay, madaxweyne Axmed Madoobe-na waxaan u aqoonsanahay madaxweynihii hore ee Jubaland,” ayuu yiri Saadad, isagoo xusay in ay socdaan dadaallo la xiriira sidii Jubaland dib loogu soo celin lahaa miiska Madasha Wada-tashiga Qaran.

Sidoo kale, waxa uu qiray in dadaallada lagu mideynayo mowqifyada dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland aysan weli si dhab ah u mira-dhalin, iyadoo kulankii fool-ka-foolka ahaa ee Xasan Sheekh iyo Madoobe lagu gaari waayay wax isfahan ah.

Dhismaha Jubaland-ta cusub

Sida ay muujinayaan xogo hoose, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u dhaqaaqday dhismaha maamul cusub oo Jubaland ah oo xaruntiisu tahay magaalada Garbahaarey, kadib wada-hadalladii lagu kala tagay ee magaalada Kismaayo.

Kulamo isdaba joog ah oo ka dhacay Villa Somalia kadib markii Madaxweynaha kasoo laabtay Kismaayo ayaa lagu go’aamiyay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee dowladda (Plan B), kaas oo ah dhismaha maamul Jubaland ah oo leh sharciyad dowladeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in arrinta Jubaland ay hadda si rasmi ah ugu taallo xukuumadda, isagoo tilmaamay inuu yahay “oday” uun, halka talada dhabta ah lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in wada-hadalladii Kismaayo aysan natiijo keenin, isla markaana aan la aqbali karin in Jubaland lagu sii hoggaamiyo qaab ka baxsan dastuurka federaalka.

Intaas kadib, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa bilaabay shirar uu la qaadanayo xubno badan oo kasoo jeeda Jubaland, si looga shaqeeyo farsamada iyo qaab-dhismeedka maamulka cusub ee lagu wado in xaruntiisu noqoto Garbahaarey.

Sida ay Caasimada Online heshay, qorshahan ayaa la isku raacay in lagu soo gaba-gabeeyo muddo 45 cisho gudahood, iyadoo madaxweynuhu soo jeediyay in musharaxa cusub ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, uu noqdo wasiirka amniga gudaha ahna xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Kooxda Villa Somalia ayaa sidoo kale rumeysan in qorshahan uu door weyn ka ciyaari doono Cabdirashiid Janan, kaas oo la isku raacay in uu buuxiyo booska uu baneynayo Fartaag ee wasiirka amniga gudaha.

Janan oo dhawaan kulan la yeeshay waxgaradka gobolka Gedo u sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay guda gali doonaan dhismaha Jubbaland cusub oo aan ku xirneyn dalal shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayaa la filayaa in wafdi culus oo ka socda dowladda dhexe ay gaaraan gobolka Gedo, halkaas oo ay si rasmi ah uga bilaabi doonaan qorshaha dhismaha Jubbaland cusub, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii Kismaayo.

Diidmada Jubaland ee maamulka cusub

Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Madoobe ayaa Jimcihii digniin culus kasoo saaray dhaq-dhaqaaqa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo markaas shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka ayaa si adag uga digay qorshaha maamulka cusub looga dhisayo gobolka Gedo.

Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay wax ay ugu yeereen “faragelinta sharci-darrada ah” ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan.

Golaha ayaa sheegay in tani sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan, xilli ay fashilmeen wada-hadalladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubaland.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in cadaadiska kusii kordhiso Axmed Madoobe oo diiday inuu muujiyo tanaasul dhab ah, si uu u aqbalo qorshaha doorasho ee ay wadato Villa Somalia, xilli ay billo kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Read more

Local News