24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho iyo Puntland oo looga shakisan yahay inay gacan ka geystaan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaannada Puntland ayaa bilihii u dambeeyay noqday meel ay ku sii xoogeysanayaan kooxo tahriibiyaal ah oo dhalinyarada ku khiyaameeya rajo ah in si fudud lagu gaari karo Yurub.

Kooxahan ayaa la sheegay inay si gaar ah u bartilmaameedsadaan ardayda dhigata dugsiyada sare iyo jaamacadaha. Dhalinyaro badan ayaa muddooyinkii dambe laga qaaday deegaannada Puntland, lana sii marsiiyay magaalada Muqdisho, halkaas oo loogu sameeyay baasabooro ka hor inta aan loo gudbin waddanka Liibiya.

Tahriibayaashan ayaa la sheegay inaan wax lacag ah laga qaadin inta ay joogaan Soomaaliya, balse marka ay gaaraan Liibiya lagu amro inay bixiyaan lacag gaareysa illaa $20,000, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah waalidiinta carruurta la tahriibiyay.

Hooyo ku sugan magaalada Qardho ayaa tiri: “Gabadh aan dhalay ayaa la waayay. Mar waxaa nala yiri waxay joogtaa Garoowe, marna Muqdisho. Ugu dambayn waxay naga soo wacday Liibiya, iyadoo sheegtay in laga doonayo sagaal iyo toban kun oo doolar.”

Hooyadan ayaa sidoo kale sheegtay in gabadheedu aysan lahayn baasaboor, balse dadkii qaaday ay u sameeyeen si ay uga saaraan dalka. Tan ayaa ka dhigaysa kooxaha wax tahriibiya kuwo xiriir la leh hay’adaha dowladda ee Muqdisho iyo Garoowe.

Waxaa soo baxaya tuhun ah in kooxaha tahriibka ay xiriir la leeyihiin mas’uuliyiin dowladeed oo ku sugan Muqdisho iyo Puntland, kuwaas oo u fududeeya bixinta baasaboorada iyo oggolaanshaha ka bixitaanka garoomada diyaaradaha.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha socdaalka iyo garoomada ayaa lagu tuhunsan yahay arrintan, iyadoo hore dowladda dhexe u qaaday tallaabooyin looga hortagayo tahriibinta dhalinyarada, balse weli waxba kama tarin kiisaska tahriibka ee sii kordhaya, iyadoo kooxaha wax tahriibiya ay dhalinyarada ka saarayaan garoomada dalka.

Dhalinyarada laga qaado Soomaaliya ayaa marka la gaarsiiyo Liibiya halkaas kula kulma dhibaatooyin iyo tacaddiyo aad u daran, halka qaar kalena ku dhintaan safarka halista badan ee badda Mediterranean-ka.

Habka cusub ee ay adeegsanayaan tahriibiyaashu ayaa abuuray cabsi xooggan oo ay muujiyeen waalidiin badan, kuwaas oo ka baqaya in carruurtoodu ku dhacaan shabakadahan khatarta ah.

- Advertisement -

Read more

Local News