28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Trump oo amray howlgal ay CIA-da fuliso oo lagu soo qabanayo madaxweynaha…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii xaqiijiyay inuu u oggolaaday Hay’adda Sirdoonka Dhexe (Central Intelligence Agency) inay hawlgallo sir ah ka fuliso Venezuela, taasoo muujinaysa heerkii ugu sarreeyay ee dadaallada Mareykanka uu ku cadaadinayo xukuumadda Madaxweyne Nicolas Maduro.

Wargeyska The New York Times ayaa markii ugu horreysay shaaciyey amarkan sirta ah, isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo ka warqaba go’aanka, wuxuuna sheegay in istaraatiijiyadda maamulka Trump ee Venezuela ay tahay sidii xukunka looga tuuri lahaa Maduro.

Maamulka ayaa bixiyay $50 milyan oo abaalmarin ah oo la siinayo ciddii keenta xog horseedda in la soo xiro laguna xukumo Maduro eedeeymo la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha.

Awooddan cusub ayaa u oggolaan doonta CIA-da inay fuliso hawlgallo wax lagu dili karo oo ka dhaca Venezuela, isla markaana ay hawlgallo kala duwan ka samayso Kariibiyaanka, sida uu sheegay wargeyska The New York Times.

Mar la weydiiyay sababta uu CIA-da ugu oggolaaday inay ka hawlgasho Venezuela, Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay in sababihiisu ay yihiin socdaalka dadka Venezuela ee imaanaya Mareykanka iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

“Runtii laba sababood ayaan u oggolaaday,” ayuu yiri Trump. “Tan koowaad, waxay xabsiyadoodii ku soo faaruqiyeen gudaha dalka Mareykanka…xuduudda ayay ka soo galeen. Waxay u soo galeen sababtoo ah waxaan lahayn xuduud furan,” ayuu weriyeyaasha ugu sheegay Xafiiska Oval-ka. “Waxa kalena waa maandooriyaha,” ayuu yiri Trump.

Trump ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo ku saabsan sheegashadiisa ah in Venezuela ay maxaabiis hore u soo direyso Mareykanka.

Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu horumar ka sameeyay qabashada shixnadaha maandooriyaha ee badda, isla markaana hadda dadaallo dheeri ah lagu bixinayo waddooyinka dhulka.

“Hadda dhulka ayaan eegaynaa, sababtoo ah badda si wanaagsan ayaan u xakameynay,” ayuu yiri Trump.

Taariikh ahaan, ka qaybgalka hay’adda CIA-da ee hawlgallada noocan ah wuu kala duwanaa, laga soo bilaabo faragelin toos ah oo ay sameeyaan ciidamo gaar ah ilaa ururinta sirdoonka iyo doorar taageero oo aan muuqan.

CIA-du waxay taariikh dheer u leedahay hawlgallada Latin America, gaar ahaan xilligii Dagaalkii Qaboobaa, waxayna gacan ka geysatay burburinta boqortooyooyinkii ka ganacsan jiray kookeynta ee Koonfurta America dhammaadkii qarnigii 20-aad.

Wakaaladda Reuters ayaa warisay in CIA-du ay sannado badan hawlgallo sir ah ka wadday Mexico si loo ugaarsado ka ganacsatada maandooriyaha ee dalkaas loogu doon-doonista badan yahay.

Xukuumadda Venezuela ayaa sheegtay in hadallada Trump ay yihiin ku xadgudub sharciyada caalamiga ah, waxayna sheegtay in tallaabooyinka Mareykanka looga gol leeyahay in lagu sharciyeeyo hawlgal “xukun-beddel” ah oo ujeeddadiisu tahay la wareegidda kheyraadka saliidda ee dalkaas.

“Ergadeena Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ayaa maanta cabashadan u gudbin doonta Golaha Ammaanka iyo Xoghayaha Guud, iyadoo dalbanaysa in lala xisaabtamo dowladda Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaan ay Venezuela soo saartay oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yvan Gil, ku baahiyay bartiisa Telegram.

Trump: Venezuela waxay dareemeysaa culeyska

Trump wuxuu si isdaba joog ah ugu eedeeyay Venezuela inay tahay xarun laga soo dhoofiyo maandooriyaha dilaaga ah ee fentanyl, laakiin diiwaannada Mareykanka ayaa muujiyay in Mexico ay tahay isha ugu weyn ee fentanyl.

Weriyaha ayaa Trump weydiiyay sababta uusan Ilaalada Xeebaha ugu amrin inay joojiyaan doonyaha looga shakisan yahay inay wadaan maandooriye, taasoo ahayd dhaqan Mareykanku sameynayay tobannaan sano. Trump wuxuu dadaalladaas ku tilmaamay “kuwo siyaasad ahaan sax ah” wuxuuna sheegay inaysan shaqeyn.

Trump wuxuu diiday inuu ka jawaabo markii la weydiiyay in CIA-du ay awood u leedahay inay disho Maduro, isagoo yiri: “Waxaan u maleynayaa in Venezuela ay dareemayso culeyska.”

Trump wuxuu amray in ciidamo badan oo Mareykan ah la geeyo koonfurta Kariibiyaanka, ciidamaduna waxay fuliyeen ugu yaraan shan weerar oo lagu qaaday maraakiib uu maamulka Trump ku tilmaamay inay ku lug lahaayeen ka ganacsiga maandooriyaha, isagoon wax caddeyn ah soo bandhigin.

Ololahan ayaa ah tusaalihii ugu dambeeyay ee dadaallada Trump uu awoodda militariga Mareykanka ugu adeegsanayo qaabab cusub, oo inta badan sharci ahaan lagu muransan yahay, laga soo bilaabo geynta ciidamo Mareykan ah oo shaqeynaya magaalada Los Angeles ilaa fulinta weerarro argagixiso la-dirir ah oo lala beegsanayo dad looga shakisan yahay ka ganacsiga maandooriyaha.

Wasaaradda Difaaca ee Pentagon-ka ayaa dhowaan u sheegtay Koongareeska in Trump uu go’aamiyay in Mareykanku uu ku jiro “dagaal hubeysan oo aan caalami ahayn” oo uu kula jiro kooxaha maandooriyaha.

Trump: Venezuela waxay maxaabiis ku soo daysay Mareykanka

Trump wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Venezuela inay soo deysay tiro badan oo maxaabiis ah, oo ay ku jiraan dad ka socda xarumaha dhimirka, oo ay ku soo daayeen Mareykanka, in kasta oo uusan sheegin xuduudda ay ka soo gudbayaan.

Wasaaradda Warfaafinta ee Maduro iyo wakiillada saxaafadda ee hoggaamiyaha mucaaradka, Maria Corina Machado, midkoodna si degdeg ah ugama jawaabin codsiyo ku saabsanaa inay faallo ka bixiyaan hadallada Trump.

Maamulka Trump wuxuu bixiyay xog aad u yar oo ku saabsan weerarrada, taasoo ka careysiisay xubnaha Koongareeska, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah xisbigiisa Jamhuuriga.

Arbacadii, Senator Jeanne Shaheen, oo ah xubinta ugu sarraysa Dimoquraaddiga ee Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Senate-ka, waxay sheegtay in maamulku uu Mareykanka u dhoweeyay iska hor imaad toos ah.

“Shacabka Mareykanka waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan haddii Maamulku uu Mareykanka gelinayo colaad kale, uu halis gelinayo askarta, ama uu wado hawlgal xukun-beddel ah,” ayay ku tiri bayaan ay soo saartay.

- Advertisement -

Read more

Local News