Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee shalay la doortay.
Xubnahan ayaa Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Madaxweyne Xasan ayaa xusay in xildhibaannada cusub ay dusha u riteen masuuliyad qaran oo culus, taas oo lagu difaacayo danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan iskaashiga dhaqaale iyo wada-shaqaynta dalalka Bariga Afrika.
Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay xildhibaannada inay muujiyaan hoggaan, xirfad iyo waddaniyad sare, isla markaana ay si dhab ah ugu adeegaan danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa xubnahan ku adkeeyay in mar walba ay ka shaqeeyaan sidii codka iyo mowqifka Soomaaliya si muuqda uga dhex muuqan lahaa Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Xildhibaannadan oo gaaraya sagaal xubnood ayaa sidoo kale maanta kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kuwaas oo lagu booriyay inay si firfircoon uga shaqeeyaan difaaca danaha iyo horumarinta codka Soomaaliya ee EAC, isla markaana ay ku dadaalaan xoojinta xiriirka, mideynta iyo horumarka gobolka.
Shalay ayey ahayd markii Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay xarunta Villa Hargeysa ku doorteen xubnahan cusub ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Xildhibaannadan ayaa laga sugayaa inay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, doorashada xubnahan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay ku guuleysatay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhisay tirada xubnaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo haatan noqotay 82 xildhibaan.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa la filayaa inay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.
Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka si rasmi ah u ansixiyeen bishii Nofeembar ee sanadkii hore, ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa inay soo magacowdo Wasiirka Horumarinta Bariga Afrika.












