Gaza (Caasimada Online) – Kadib heshiiskii xabbad-joojinta ee dhowaan lagu gaaray Gaza waxay Israel sii xoojisay xeeladda cusub ee kula dagaalamayso Xamaas, ayadoo si toos ah u galeyn dagaalka.
Tan ayaa xaqiijisay dhab ahaanta eedeymo hore, isla markaana iftiimisay jiritaanka kooxo hubeysan oo ka dagaallamaya gudaha marinka, kuwaas oo lala xiriirinayo in ay iskaashi la leeyihiin Israel si ay ula diriraan Xamaas.
Bishii Juun, Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dowladdiisu ay “abaabushay qaar ka mid ah qabaa’ilka Gaza” si ay uga hortagaan Xamaas.
Qabaa’ilkaas waxaa ka mid ah beesha Daghmash, oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilka suxufiga Falastiiniyaanka ahaa iyo u-doodaha xuquuqda aadanaha, Saleh Jaafaravi.
Warbixino kala duwan ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha kooxahan ay yihiin saraakiil hore oo amni, kuwaas oo hore uga tirsanaa dhaq-dhaqaaqa Fatax ama maamulka Falastiin.
Xamaas ayaa ku eedeysay kooxahan in ay si toos ah ula shaqeeyaan sirdoonka Israel, iyadoo la sheegay in maleeshiyaadkan ay hoggaamiyeen shaqsiyaad ay kamid yihiin; Yaasir Abu Shabab, Hussam Astel iyo Rami Halas.
15-kii October, Xoogagga ka hortagga khataraha ee Xamaas ayaa fariin ku baahiyay Telegram, iyagoo uga digay mucaaradka inay “saxaan hab-dhaqankooda”, isla markaana ciidanka la wadaagay xog muhiim ah si looga hortago ballaarinta kooxaha ka soo horjeeda.
Khabiir dhanka amniga ah ayaa u sheegay mareegta Al-Mudoun ee Lubnaan in tirada kooxahan hubeysan ay si weyn u korodhay labadii sano ee dagaalka Gaza.
Sidoo kale, shabakadda Aram News ee Imaaraatka laga leeyahay ayaa dagaalkaas ku tilmaantay “mid is-difaac ah oo badbaado ku dhisan.”
Warbixin uu daabacay wargeyska Asharq Al-Awsat ee London kasoo baxa, oo soo xiganaya ilo ku dhow Abu Shabab, ayaa lagu sheegay in kooxdiisu qoratay boqolaal dagaalyahan, isla markaana si joogto ah u siisa mushahar sare.
Hadda waxaa gudaha Gaza ka howl-gala dhowr kooxood oo hubeysan, kuwaas oo mid walba uu leeyahay saameyn deegaan gaar ah. Mid ka mid ah kooxahan waxaa hoggaamiya Yaasir Abu Shabab oo fadhigiisu yahay magaalada Rafah, halka koox kale oo la yiraahdo Al-Qawat Al-Shaabiyah ay ka howl-gasho waqooyiga Gaza, gaar ahaan Beit Lahia iyo Jabalia, iyadoo uu hoggaamiyo Ashraf al-Mansi.
14-kii October, Mansi ayaa fariin uu duubay ku wargeliyay shacabka waqooyiga Gaza inaysan u dhowaan goobaha ay maamusho Xamaas.
Qaramada Midoobay ayaa warbixin ku sheegtay in Abu Shabab uu ahaa ninka ugu weyn ee ka dambeeyay bililiqadii gargaarka bani’aadamnimo, iyadoo la rumeysan yahay in kooxdiisu haysato in ka badan 100 dagaalyahan, isla markaana ay Israel siiso hubka.
Sida laga soo xigtay Iram News, Rami Hales ayaa hoggaamiya koox kale oo ku sugan magaalada Gaza, taas oo ka kooban tobanaan xubnood oo qoys ahaan isku dhow, qaarna ay hore uga tirsanaayeen Fatax. Aram News ayaa kooxdaas ku tilmaantay “tan ugu abaabulan dagaal ahaan magaalada.”
Koox kale oo lagu magacaabo tan Hessam Astel ayaa ka howl-gasha Khan Yunis, halka mid afraad oo uu hoggaamiyo Yaasir Hanidaq — oo xubno badan oo hore uga tirsanaa Fatax ay ku jiraan — ay ka howl-galayaan meelo kale oo Gaza ah, iyadoo ay barbar socdaan dableyda taageerta qabiilka Daghmash oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin ciidamada Israel.

