28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Somalia oo heshay fursad ay dhaqaale badan uga heli karto…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa heshay fursad ballaaran oo dhinaca dhoofinta xoolaha nool ah, kadib markii Australia ay joojisay dhoofintii xoolaha, halka Suudaan-na ay suuqa ka baxday sababo la xiriira colaadda sokeeye ee dalkaas ka taagan.

Labadan dal oo hore ugu loolamayay iibka xoolaha ee dalalka Khaliijka ayaa haatan suuq furan u reebay Soomaaliya.

Sanadkii 2021, Soomaaliya waxa ay iibka xoolaha ka heshay dhaqaale gaaraya $523 milyan, halka sanadkii 2024 uu kor u kacay illaa $974 milyan, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah.

Isbeddelkan ayaa muujinaya in dalkeenna uu si deg-deg ah uga faa’iidaysanayo fursadda cusub ee ka dhalatay suuqyada bannaanaaday.

Agaasimaha caafimaadka xoolaha ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Qaasim Cabdi Macallim ayaa sheegay in hakadka Australia iyo xaaladda Suudaan ay Soomaaliya u tahay “fursad dahabi ah” oo lagu xoojin karo dhoofinta xoolaha nool.

“Kororka dhoofinta waxaa sababay laba arrimood oo waaweyn; midda koowaad waa dagaalka Suudaan oo curyaamiyay dhaqaalahooda, tan labaadna waa go’aanka Australia ee hoos u dhigidda dhoofinta xoolaha nool. Labadan arrimood waxa ay Soomaaliya ku hoggaaminaysaa in ay hesho faa’iido weyn oo dhinaca dhoofka xoolaha,” ayuu yiri Agaasime Qaasim.

Warbixin uu baahiyay Bloomberg ayaa tilmaantay in afartii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya ay dhoofinta xoolaha nool ka heshay $2.9 bilyan.

Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in sanad walba dalka laga dhoofiyo inta u dhaxaysa 4 ilaa 6 milyan oo neef, kuwaas oo loo iib geeyo dalalka Bariga Dhexe.

Iyadoo colaadda Suudaan aysan weli dhammaan iyo Australia ay qorsheyneyso in sanadka 2028 ay gebi ahaan joojiso dhoofinta xoolaha, waxaa muuqata in Soomaaliya ay fursad dhab ah u heshay in ay sii ballaariso dhoofinta xoolaha oo noqon karta mid dhaqaale ahaan ka sareysa hal bilyan oo doollar.

- Advertisement -

Read more

Local News