Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa goobjog ka noqday heshiis cusub oo maanta kagu saxiixay magaalada Muqdisho.
Heshiiskan ayaa waxaa si rasmi ah u wada saxiixday Agaasimaha guud ee Wasaarada Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Yuusuf Cabdulle iyo Madaxa EUCAP ee Soomaaliya.
Heshiiskan oo ah mid iskaashi ah oo la xariira sidii Midowga Yurub ay u taageeri lahaa qalabeynta xarunta Samatabixinta Dhibanaayasha Badda ee MRCC, kaas oo qeyb ka ah mashaariicda lagu xoojinayo horumarinta Dekedda magaalada Muqdisho.
Munaasabadaan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Maareeyaha Dekedda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Ameriko) iyo Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya Mrs. Francesca Di Mauro.
Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa tayada iyo wax soo saarka dekaddaha dalka.
Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ayaa dhowaan lagu qiimeeyay dekedda ugu waxtarka badan Bariga Afrika, sida lagu sheegay Warbixinta Container Port Performance Index (CPPI) 2024 oo ay soo saareen Bangiga Adduunka iyo S&P Global Market Intelligence.
Warbixintu waxay sheegtay in Dekedda Muqdisho ay kaalinta 163-aad ka gashay 407 dekedood oo caalami ah. Sidoo kale, waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee Saxaraha Afrika, iyadoo kaalinta koowaad uu haysto Dekedda Dakar ee Senegal.
Dekedda Muqdisho ayaa ka hor martay dekedaha waaweyn ee gobolka sida: Dekedda Dar es Salaam (kaalinta 360-aad), Dekedda Jabuuti, kaalinta 364-aad, Dekedda Mombasa (kaalinta 375aad)
Qiimeynta ayaa lagu saleeyay waqtiga ay maraakiibtu ku qaataan dekedda, laga bilaabo marka ay ku sugnaadaan biyo-fadhiga ilaa inta ay ku jiraan marsada (berth), taas oo cabbiraysa waxtarka adeegyada dekedda.







