Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Sweden ayaa bixiyay xog cusub oo ku aadan qorshaha la doonayo in looga soo masaafuriyo dalkaasi, kadib markii la sheegay in heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray Soomaaliya iyo Sweden.
Ninkan oo lagu magacaabo Ibraahim ayaa Telefishinka Universal u sheegay in ay ku xiran yihiin xabsiyo kala duwan, isla markaana tiradooda ay gaareyso illaa 31 Soomaali ah oo isugu jiro dhalinyaro iyo dad waa wayn.
Ibraahim ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay u xiran yihiin ‘heshiiska qarsoodiga ah ee dhex-maray’ labada dowladood, inkastoo dhawaan ay beenisay xukuumadda Soomaaliya.
“Aniga magaceyga waa Ibraahim waxaan ku xirnahay mid kamid ah xasbsiyada ku yaallo caasimadda labaad ee Sweden, waxaana halkaan ku xiran qiyaastii illaa 31 qof oo Soomaali ah, waxaana u xiranahay heshiiskii ay kala saxiixdeen Somalia iyo Sweden” ayu yiri Ibraahim.
Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaa isugu jirnaa Aabooyin, Hooyooyin iyo dad shaqeysanaayay, mana nihin dad dalkan dambi ka galay, runtii dadka waxay isugu jiraan dad ay sharciyadu ka dhaceen oo loo diiday in loo cusbooneysiiyo iyo kuwa kale oo gebi ahaanba loo diiday”.
Sababta xarigooda wuxuu ku sheegay inuu salka ku hayo heshiiska labada dal, waxayna dadkaas isugu jiraan kuwa sharci la’aan ah iyo kuwa kale oo ay ka dhaceen sharciyada.
“Waxaa waayey heshiiska is-afgarad qarsoodi ah oo dadka Soomaalida lagu celinaayo, saas oo ay tahay dowladda Soomaaliya waxay soo saartay warqad ay ku beenineyso arrintaas, laakiin annaga weli waxaan u xirnahay heshiiskaas” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Ibraahim.
Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya oo uu ka dalbaday inay soo farogeliso arrintooda, ayna caddeyso mowqifkeeda ku aadan soo celinta dadlkaasi.
“Dowladdeenna waxaan ka codsaneynaa inay si cad u sheegto mowqifkeeda si aan annaga xornimadeenna ku helno ama naloo sheegaa sababta nalagu soo celinaayo” ayuu raaciyay.
Dhawaan warsaxaafadeed kasoo bxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa si buuxda loogu beeniyay in waxba kama jiraan uu yahay heshiiska qarsoodiga ah ee la sheegay inay wada galeen labada dowladood, kaas oo muhiimaddiisu tahay gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza.
Beeninta ayaa timid kadib markii barnaamijka Ekot ee Idaacadda Sweden uu kashifay in Sweden ay heshiis qarsoodi ah la gashay Soomaaliya bishii Diseembar 2023. Sida uu sheegay baaritaanku, Sweden waxay ballan qaadday inay 100 milyan oo karoon (qiyaastii $9 milyan) oo ka mid ah miisaaniyadeeda gargaarka u wareejiso sanduuq maaliyadeed oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, taasoo beddelkeeda Muqdisho ay ku oggolaanayso inay qaabisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyo Sweden, oo ay ku jiraan dembiilayaal la xukumay oo diiday inay si iskood ah uga baxaan dalkaas.

