25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

HirShabelle oo sameysay magacaabis si weyn looga fal-celiyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose HirShabelle oo xalay soo saartay wareegto ayaa sameysay magacaabis si weyn looga falceliyay, kadib markii guddoomiye cusub ay u magacowday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo hadda gacanta ugu jirto maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Digreetadan oo uu ku saxiixnaa Wasiir Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa waxaa guddoomiyha cusub ee Aadan Yabaal loogu magacaabay Cali Cumar Maxamuud oo beddalaya guddoomiyihii hore Cumar Qalabside oo isna dhawaan uun xilka laga qaaday.

Wasiirka ayaa sheegay in magacaabista guddoomiyaha cusub ay ku timid baahi loo qabo in la dardargeliyo howlaha shaqo iyo xoreynta degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe.

“Wasirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle Abdi Dahir Guure Karoore : Kadib markuu arkay baahida loo qabo dardar gelinta howlaha shaqo iyo xoreynta Degmada Aadan yabaal. Markuu la tashaday Madaxda sare ee Dowladda Hirshabelle. Waxa uu u magacaabay: Mudane Cali Cumar Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal” ayaa lagu yiri wareegtada soo baxday.

Dhinaca kale, magacaabistan ayaa dhalisay falcelin xoogan oo ay ka sameeyeen shacabka, kuwaas oo su’aalo ka keenay halka uu ku shaqeynayo guddoomiyaha cusub, maadaama degmada loo magacaabay ay xoog ku haysato kooxda Al-Shabaab.

Cabdulqaadir Maxamed: “Waa sheeko raqiisa ahi Aadan Yabaal Shabaab ayaa ka taliso waa maxay guddoomiyaha loo magacaabayo?”.

Xuseen Cabdi Xuseen: “Wllhi caawa ani toos u yaabay awal waa yaabay waa iska dhihi jiray lee”.

Goodax: “Howlaha shaqo intow ka qabanaa maba tagi karee mise xaafada horseed ayow kusii shaqeyna”.

Layla Ciise: “Warki hore war soo dhaaf Aadan Yabaal ninka loo magacaabay intoow ka shaqeeyn doonaa?”.

Cali Cabdullahi: “Ani markaa idin dhahaayay meesha maamul laguma hayo been ayaa u maleyseen meeshan waa meel lagu ba’ay”.

Cabdi Naxar: ” Aadan Yabaal kale oo cusub maa jirto mase waa tii cadawga ow haystay ar meeshaan maxey maaweelo ama riyo maalin cadey ah ay ka jirtaa?”.

- Advertisement -

Read more

Local News