25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ma qalad dastuuri ah ayuu ku dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid go’aankii maanta kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Golaha ayaa darajooyin u sameeyay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka degmooyinka Gobalka Banaadir. Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa loo kala qayb-biyay A iyo B, waxayna kala yihiin sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darjada (B) ah.

Prof Yaxye ayaa go’aankan ku tilmaamay mid aan sharciyad buuxda lahayn, isla markaana ka hor imaanaya nidaamka federaalka ee Soomaaliya lagu dhisay, geesta kalena ah qalad dastuuri ah, sida uu sheegay.

“Qaabka loo qeybiyay degmooyinka ee A & B, ma ahan howl u taal Golaha Wasiirada oo heer qaran aan ku ogeyn, waxa ay sax noqon laheyd haddii ay ka soo bixi laheyd dowladda hoose iyada ayey shaqadeeda tahay,” ayuu yiri Prof-ka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabada Goluhu qaaday ay tahay mid “ka hor imaneysa mabda’a federaalka qabiillada Soomaaliyeed lagu heshiiyay,” ayna gogol xaar u tahay “in shacabka Muqdisho laga hor istaago maamul madax-bannaan.” sida uu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Yaab iyo Dulmi qaan gaaray. Tiinka maanta la abuuray, Mogdishu Berri ayey guran doontaa.

Golaha Wasiiradu waa hay’ad sharciya, waana u aqoonsanahay, laakiin khaladka ay maanta 23/10/2025 galeen ku taageeri meynu, haddii uu yahay, ogaal, hoos halis, ama dulmi ku tala-gal ah.

Qaabka loo qeybiyay degmooyinka ee A & B, ma ahan howl u taal Golaha Wasiirada oo heer qaran aan ku ogeyn, waxa ay sax noqon leheyd haddii ay ka soo bixi leheyd Dowladda hoose iyada ayey shaqadeeda tahay.

Laakiin tani waa talaabo ka soo horjeedo federaalkii qabiilada Soomaalida wax loogu dhisay ee la isku ogaa iyo talaabo si bareer ah loogu sii gogol xaarayo in Muqdisho dadkeedu aynan yeelan maamul ay u madax banaan yihiin, iyada oo la tusaayo Tabeele ay ku qoran tahay qof iyo cod, midida daabkeedana laga heeysto, si iyaga loogu muddo.

Yaa dabaal ah oo duurka loo diraa, ishaan arkeeyn Khatarta ku soo socoto, indha la’aan ayaa dhaanto, walba aad berri ku doodid indhool ayaan ahaa.

Qof ahaan horaan u sheegay in aanan ka qeyb galeeyn shakhsiyan doorashada Qof iyo codka ah ee Muqdisho, tan heer qaranna Somalida ayaan ula simanahay oo codkeyga waan dhiiba karaa.

Golaha Wasiirada waxaan ka codsanaa in go’aanka muwaadiniinta Soomaalida xaqooda lagu duudsinayo ay ka noqdaan, isaga ayaanba socon doonine.

FG: Wwixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

W/Q: Yahya Amir

- Advertisement -

Read more

Local News