Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Israel ay waayi doonto taageerada muhiimka ah ee ay ka hesho Mareykanka haddii ay goosato oo ay ku darsato dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay majaladda Time Magazine.
Hadallada Trump, oo Time ay sheegtay inuu ku bixiyay khadka telefoonka 15-kii Oktoobar, ayaa la daabacay maalintii Khamiista, xilli ay madaxweyne ku-xigeenka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ay labaduba ka digeen wax kasta oo la xiriira ku darsasho dhul.
“Ma dhici doonto. Ma dhici doonto sababtoo ah waxaan ballan siiyay waddamada Carabta. Taasna hadda ma samayn karaan. Waxaan helnay taageero weyn oo Carbeed,” ayuu yiri Trump mar la weydiiyay waxa ay noqon doonaan cawaaqibka ka dhalan kara Israel haddii ay sidaas samayso.
“Israel waxay waayi doontaa dhammaan taageeradii ay ka heli jirtay Mareykanka haddii ay taasi dhacdo.”
Trump ayaa sidoo kale u sheegay Time Magazine inuu aaminsan yahay in Sacuudi Carabiya ay ku biiri doonto Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), oo caadi ka dhigaya xiriirka u dhexeeya Israel iyo dalalka Carabta, dhammaadka sanadkan.
“Haa, waan aaminsanahay. Waan aaminsanahay,” ayuu yiri mar la weydiiyay inuu u malaynayo in Riyadh ay ku biiri doonto muddadaas.
“Bal eeg dhibaato ayay qabeen. Waxay qabeen dhibaatada Gaza, waxayna qabeen dhibaatada Iran. Hadda ma qabaan labadaas dhibaato,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya dagaalka Israel ee Gaza iyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, oo duqeymaha cirka ee Mareykanka ay beegsadeen horraantii sanadkan.
Trump ayaa markaas sheegay inuu “go’aan ka gaari doono” in Israel ay sii dayso maxbuuska caanka ah ee Falastiiniga ah, Marwan Barghouti, taasoo qayb ka ah tallaabooyinka nabadda.
Barghouti, oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Fatah, ayaa ka mid ahaa maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee Xamas ay doonaysay in la sii daayo taasoo qayb ka ah heshiiska Gaza, sida ay sheegeen warbaahinta dawladda Masar la xiriirta.
Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay u diray Israel saraakiil sarsare oo isdaba joog ah si ay u xoojiyaan xabbad-joojinta jilicsan ee Gaza, oo uu isagu dhex-dhexaadiyay horraantii bishan.
Laakiin xilli uu Vance soo gaba-gabeynayay booqashadiisii saddexda maalmood ahayd, Rubio-na uu soo gaaray, waxay sharci-dajiyayaasha Israel meel mariyeen laba sharci oo gogol-xaar u ah ku darsashada Daanta Galbeed.
Vance ayaa sheegay inay ahayd “wax siyaasadeed oo aad u doqonimo ah, shakhsiyan anigana waxaan u arkaa gef.”
Markii uu Rubio ka soo ambabaxayay Washington, wuxuu uga digay Israel inay ku darsato Daanta Galbeed ee la haysto, isagoo sheegay in tallaabooyinka ay qaadeen baarlamaanka iyo rabshadaha dadka deegaanka sharci-darrada ah ay halis gelinayaan xabbad-joojinta Gaza.

