Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay furitaanka kal-fadhigda 57-aad ee Barlamaanka maamulkaas ayaa soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.
Saciid Deni ayaa marka hore sheegay in Puntland ay waqti badan gelisay dhismaha dowlad-nimada Soomaalya, balse weli ay jiraan caqabado waa wayn oo horgudban.
Sidoo kale wuxuu qiray in weli halkiisii uu yahay khilaafka siyaasiga ah ee ka taagan hannaanka federaalka, sidaas daraadeedna, haddii la helo hoggaamiye diyaarsan laga gudbi doono, sida uu hadalka u dhigay.
“Dowladda Puntland waxay juhdi gelisey dib u yagleelidda dowlad dhexe, waxaa nasiib darro ah inuu weli taagan yahay khilaaf la xiriira hanaanka federalka, waa la gaari karaa rajada shacabka Soomaaliyeed haddii la heli hoggaan u diyaarsan, ayuu yiri Saciid Deni.
Waxaa kale oo uu ka digay in dalka uu galo firaaq dastuuri ah isaga oo caddeeyay marnaba aysan Puntland ogolaan doonin in meesha laga saaro dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu yahay, xilli horay Villa Somaliaugu ku guuleystay wax ka beddal lagu sameeyo qodobada qaar oo la horgeeyay Baarlamaanka.
“Dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro shuruucda, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah”. ayuu sii raaciyay.
Dhinaca kale, waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha nabadeynta ee Sanaag, isaga oo si gaar ah Somaliland ugu amaanay dadaalka ay ka wada magaalada Ceerigaabo.
“Waxaan ku ammaanayaa Madaxweynaha Somaliland doorkiisii nabadaynta gobolka Sanaag iyo shirweynihii Ceerigaabo” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Saciid Deni.
Puntland iyo Somaliland ayaa dhawaan yeeshay iskaashi cusub, kadib heshiis ay labada dhinac ku kala saxiixdeen magaalada Niarobi ee caasimada dalka Kenya.

