28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Sawirro: Turkiga oo maanta Soomaaliya ku wareejiyay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa maanta Dowladda Soomaaliya ku wareejisay qalab casri ah oo isugu jira camerooyin casri ah iyo qalabka sida tooska loogu tebin karo barnaamijyada warbaahinta dowladda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper AKTAŞ kala wareegay qalabkan casriga ah.

Qalabkan oo isugu jira camerooyin casri iyo qalabka sida tooska loogu tebin karo barnaamijyada ayaa qeyb ka ah heshiis hore u dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga ee dhanka horumarinta warbaahinta qaranka.

Hay’adda Turkisha Cooperation and Coordination Agency (TIKA) ayaa heshiiskaasi fulintiisa wakiil uga ahayd Dowladda Turkiga, iyadoo munaasabadda guddoominta oo ka dhacdey magaalada Muqdisho, uu goob joog ka ahaa Madaxa TIKA Soomaaliya, Zafer Eski.

Qalabkan casriga ah ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo laguna horumariyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka, si loo dardar-geliyo howlaha warbaahineed ee dowladda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo Hay’adda TİKA taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan warbaahinta qaranka.

Wasiirka ayaa xusay in deeqdan qalabka ah ay qeyb ka tahay barnaamijyo xiriir iskaashi oo labada dowladood dhexmarey, kaas oo looga golleeyahay horumarinta iyo tayeynta warbaahinta.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay qalabkan uga faa’iideysan doonto fulinta ajendayaasha qaran ee horyaalla, sida dowlad dhiska, isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta iyo doorashooyinka taariikhiga ah ee la filayo inay dhowaan ka dhacaan dalka.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E. Alper AKTAŞ, ayaa sheegay in xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, isla markaana labada dal ay si dhow uga wada shaqeynayaan kor u qaadista warfaafinta iyo is-dhaafsiga aqoonta saxaafadda iyo istaraatiijiyadda warbaahinta.

Madaxa Hay’adda TİKA ee Soomaaliya, Mr. Zafer Eski, ayaa dhankiisa sheegay in qalabkan uu qayb muhiim ah ka qaadan doono tayeynta warbaahinta Soomaaliya, isla markaana Hay’adda TIKA ay kaalin ka qaadn doonto, tababarka, qalabeynta, iyo hawlaha casriyeynta ee Warbaahinta Qaranka.

Munaasabadda ayaa ugu dambeyntiina lagu soo bandhigay qalabka casriga ah ee la guddoonsiiyay warbaahinta qaranka, iyadoo mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta iyo hay’adaha Turkiga ay ballan-qaadeen inay sii xoojin doonaan iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal.

- Advertisement -

Read more

Local News