Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee waaxda warfaafinta Villa Somalia, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare) ayaa maanta si rasmi ah xilka u gala wareegay agaasimihii hore ee waaxdaasi Mudane Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), kadib munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday Xarunta Madaxtooyda.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa xilka u kala wareejiyey labada agaasime, taas oo u qabsoontay sidii loogu talagalay.
Mudane Cabdixakiim oo goobta ka hadlay ayaa u rajeeyey agaasimaha cusub ee Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada in Alle uu u fududeeyo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, isaga oo ku adkeeyey howlwadeennada iyo masuuliyiinta dowladda in ay si dhow ula shaqeeyaan.
Cabdicasiis Golfyare oo isna hadalka qaatay ayaa soo bandhigay qorshaha cusub ee Waaxda iyo shaqooyinka horyaalla, isaga oo tilmaamay mudnaanta uu siinayo dib u habaynta Xafiiska iyo xoojinta xiriirka guud ee warbaahinta Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Agaasimihi hore ee Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Mudane Maxamed Aadan Maxamed ayaa la wadaagay agaasinka cusub waxqabadkii la xaqiijiyey muddadii uu xilka joogay, isaga oo u mahadceliyey hawl-wadeennadii lasoo shaqeeyay.
Isbeddelkan cusub ayaa imanaya xilli xasaasi ah oo isbeddelo dhowr ah ay ka dhaceen xafiiskan, iyadoo muddo kooban ay soo mareen agaasimayaal dhowr ah, kuwaas oo qaarkood ay xilka hayeen muddo ku siman laba bilood.
Sidoo kalena wuxuu qayb ka noqonayaa dadaallada lagu xoojinayo hab-maamulka iyo hufnaanta warfaafinta ee Madaxtooyada, waxaana la filayaa in agaasimaha cusub uu dardar geliyo howlaha la xiriira warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Villa Soomaaliya.
Si guud, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa muujado siyaasadeed oo waa wayn, kuwaas oo ka dhashay muranka hareeyay hannaanka doorashooyinka oo ay kasoo horjeedaan mucaaradka Madasha Samatabixinta iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.


