25.2 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Trump oo tallaabo milatari ugu hanjabay Nigeria oo uu ku eedeeyay arrin yaab leh

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii sheegay in uu ka codsaday Wasaaradda Gaashaandhigga in ay isku diyaariso tallaabo milatari oo “degdeg ah” oo laga qaadi karo Nigeria, haddii uu waddankaas Galbeedka Afrika ku yaalla ku guuldareysto in uu wax ka qabto dilalka loo gaysto dadka kirishtaanka ah.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale si degdeg ah u joojin doonta dhammaan kaalmooyinka iyo gargaarka ay siiso Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika ahna kan ugu sarreeya ee soo saara shidaalka, sida uu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

“Haddii Maraykanku uu diro ciidamo milatari, waxay ku geli doonaan ‘iyagoo rasaastu ka horreyso,’ si ay ‘gebi ahaanba u tirtiraan Argagixisada Islaamiga ah ee geysanaya xasuuqan foosha xun’,” ayuu Trump u qoray, isagoon keenin wax caddeyn ah oo gaar ah oo ku saabsan sida loola dhaqmo Masiixiyiinta Nigeria.

Trump waxa uu Nigeria ku sifeeyay “waddan ceeboobay” waxa uuna uga digay dowladda dalkaas in ay si degdeg ah u dhaqaaqdo. “Haddii aan weerar qaadno, waxa uu noqon doonaa mid degdeg ah, naxariis darran, oo macaan, sida ay kooxaha argagixisada ah u weeraraan Masiixiyiinteena AANU JECELNAHAY!” ayuu yiri.

Dowladda Abuja ayaan wax jawaab ah oo degdeg ah ka bixin hanjabaadda Trump ee ku aaddan tallaabada milatari. Aqalka Cad ayaa sidoo kale dhankiisa ka gaabsaday in uu ka hadlo xilliga ay suurtagalka tahay in Maraykanku uu qaado wax tallaabo milatari ah.

In kasta oo Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in ay Aqalka Cad kala xiriirto faallada ku saabsan hanjabaadda Trump, haddana Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa isna soo saaray qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada.

“Wasaaradda Dagaalka waxay u diyaar garoobeysaa tallaabo,” ayuu Hegseth ku qoray barta X. “Dowladda Nigeria waa in ay ilaalisaa Masiixiyiinta, haddii kale annaga ayaa dili doonna Argagixisada Islaamiga ah ee geysanaya xasuuqan foosha xun.”

Qoraalkan Trump ee ku saabsan Nigeria ayaa yimid maalin kaddib markii uu maamulkiisu ku daray Nigeria liiska “Waddamada sida Gaarka ah Walaaca looga Qabo” (Countries of Particular Concern), oo ah dalal uu Maraykanku sheegay in ay ku xadgudbeen xorriyadda diinta. Dalalka kale ee liiskaas ku jira waxaa ka mid ah China, Myanmar, North Korea, Russia iyo Pakistan.

Ballan-qaadka madaxweyne Bola Ahmed  Tinubu

Ka hor inta uusan Trump soo dhigin hanjabaaddiisa weerarka, Madaxweynaha Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, ayaa Sabtidii shalay iska difaacay eedeymaha ku saabsan dulqaad la’aanta diimeed, wuxuuna daafacay dadaallada dalkiisa ee lagu ilaalinayo xorriyadda diinta.

“In Nigeria lagu sifeeyo waddan aan lahayn dulqaad diimeed kama tarjumayso xaqiiqada dalkayaga, sidoo kalena ma tixgelinayso dadaallada joogtada ah ee daacadda ah ee ay dowladdu waddo si loo dhowro xorriyadda diinta iyo caqiidada ee dhammaan dadka reer Nigeria,” ayuu Tinubu ku yiri bayaan uu soo saaray, isagoo xusay “dammaanad-qaadyo dastuuri ah oo lagu ilaalinayo muwaadiniinta dhammaan caqiidooyinka.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nigeria ayaa bayaan ay si gooni ah u soo saartay ku ballan-qaadday in ay sii wadi doonto la-dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wadata, waxayna sheegtay in ay rajaynayso in Washington ay ahaan doonto xulufo dhow.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay “inay sii wadi doonto difaaca muwaadiniinta oo dhan, iyadoo aan loo eegeyn midab, caqiido, ama diin. Sida Maraykanka oo kale, Nigeria ma haysato wax doorasho ah oo aan ahayn in ay u dabbaal-degto kala-duwanaanshaheenna oo ah awooddeenna ugu weyn.”

Joogitaanka milatari ee Maraykanka ee Galbeedka Afrika ayaa si weyn u yaraaday kaddib markii qiyaastii 1,000 askari ay ka baxeen dalka Niger sannadkii hore. In kasta oo Maraykanku uu mararka qaarkood kooxo yar oo ciidamo ah ku yeesho gobolka si ay uga qayb-qaataan dhoollatusyo, haddana saldhigga ugu weyn ee milatari ee Maraykanka uu ku leeyahay qaaradda ayaa ku yaalla Bariga Afrika, gaar ahaan Jabuuti, halkaas oo ay ku sugan yihiin in ka badan 5,000 oo askari, loona adeegsado hawlgallada gobolka.

Trump oo horey Nigeria ugu daray ‘liiska walaaca’  

Trump ayaa Nigeria u aqoonsaday waddan walaac laga qabo xilligii muddo xileedkiisii koowaad ee Aqalka Cad. Baddalkiisii Dimoqraadiga ahaa, Joe Biden, ayaa sannadkii 2021-kii ka saaray liiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Maalintii Jimcaha, Trump waxa uu sheegay in “kumanaan Masiixiyiin ah” ay kooxo Islaamiyiin xagjir ah ku dilayaan gudaha Nigeria, balse ma uusan bixin wax tafaasiil ah.

Nigeria, oo ay ku nool yihiin 200 oo qowmiyadood oo kala haysta diimaha Kiristaanka, Islaamka iyo diimaha hiddaha iyo dhaqanka, waxay leedahay taariikh dheer oo nabad ku wada noolaansho ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale ka dhacay rabshado dhex maray kooxaha, kuwaas oo ay inta badan sii huriyaan kala qaybsanaan qowmiyadeed ama colaado ka dhasha kheyraadka gabaabsi ah.

Kooxda hubeysan ee Islaamiga ah ee xagjirka ah ee Boko Haram ayaa sidoo kale argagax gelisay waqooyi-bari Nigeria, waana kacdoon ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof 15-kii sanno ee la soo dhaafay. Khubaro ku xeel-dheer xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in badi dhibbanayaasha Boko Haram ay ahaayeen Muslimiin.

Sharci-dejiyeyaal ka tirsan dalka Maraykanka, sida xildhibaan Tom Cole, oo Jamhuuri ah, ahna guddoomiyaha Guddiga Qoondeynta ee Aqalka Wakiillada Maraykanka (U.S. House of Representatives Appropriations Committee), ayaa Jimcihii soo dhoweeyay tallaabada Trump. Waxay soo xigteen wax ay ugu yeereen “silcinta joogtada ah ee laga walaaco ee lagu hayo Masiixiyiinta daafaha dalka.”

Cawaaqibka hanjabaadda Trump

Hindise-sharciyeedka guddiga ee miisaaniyadda amniga qaranka ee sannad maaliyadeedka 2026-ka ayaa waxaa ku jiray maalgelin la kordhiyay oo loogu talagalay barnaamijyada xorriyadda diinta ee caalamiga ah iyo taageerada barnaamijyada lagu taageerayo bulshooyinka Nigeria ee ay beegsadaan rabshadaha xagjirnimada.

In Trump uu Nigeria dib ugu aqoonsado waddan walaac laga qabo waxay albaabka u fureysaa tallaabooyin siyaasadeed oo kala duwan sida cunaqabateynno ama ka-dhaafitaan, laakiin ma ahan kuwo si toos ah u dhaqan-gelaya.

Qaar ka mid ah kooxaha diimaha ayaa bishii hore warqad ay u qoreen Trump kaga codsaday in uu dib u aqoonsado Nigeria, sida ku cad nuqul ka mid ah warqaddaas oo lagu daabacay webseetka hay’adda cilmi-baarista ee Hudson Institute.

“Masiixiyaddu waxay Nigeria kaga wajahaysaa khatar soo afjari karta jiritaankeeda. Kumanaan Kiristaan ah ayaa la dilayaa. Islaamiyiin xagjir ah ayaa ka mas’uul ah xasuuqan ballaaran,” ayuu Trump u qoray, isagoon bixin wax tafaasiil ah oo gaar ah. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Guddiga Qoondeynta ee Aqalka Wakiillada Maraykanka in ay arrintan baaritaan ku sameeyaan. 

- Advertisement -

Read more

Local News