28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Daawo: Shariif oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

 Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda Oslo ee dalka Norway ayaa warbixin guud ka siiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ugu horreyn Shariif ayaa khudbadda uu jeediyay ku weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ka hadlay khilaafka kala dhexeeya ee ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Shariif ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu burburinayo Dastuurka heshiiska lagu wada yahay, si uu u gaaro danihiisa gaarka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in kaliya Dastuurka lagu beddali karo heshiis bulsho, maadaama markii horeba afti dadweyne loo qaaday.

“Xasan waa walaalkey waa soo wada shaqeynay, laakin xumaan kuma taageerayo in la fahma la rabaa munkar ka weyn ma jiro Ummad Dastuur ay ku heshiisay in la tuuro, haddii wax laga badalaayo heshiis ayaa looga bedalaa” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “35 sano kadib qofka ku fakiraayo inuu isagu bedasho Dastuurka ee haddane adiga ku yiraahdo aamus waa lunsan yahay”.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dalka uu u baahan yahay badbaado, isla markaana qof walba Soomaali ah laga rabo inuu u istaago sidii loo hormarin lahaa dowladnimada.

“Dalka in la badbaadiyo, ummaddaana la mideeyo waa wax qof walba oo Soomaali ah laga rabo” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda culus oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan Villada mucaaradka, Jubbland iyo Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News