26.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Maxay Ilhaan Cumar ka tiri is qab-qasbiga Soomaalida ku nool Minneapolis?

Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka oo sii xoojisay ololaha ay ku taageereyso Senator Omar Fateh oo ah musharrax u taagan duqa Minneapolis, ayaa si adag uga hadashay buuqa ka dhex-taagan Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis, kadib markii la qabiileeyay ololaha socda.

Ilhan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in arrimo qabiil looga dhex-hadlo xafladaha iyo ololaha wayn ee u dhexeeya Omar Fateh iyo ninka hadda xafiiska jooga Mayor Jacob Frey oo aad isugu hayo doorashada.

“Maanta waa sharaf darro ah in xaflad qof aan Soomaali ahayn loo suubiyay qabiil looga dhex hadlo taas waa mid ceeb ah, waana ka xumahay” ayay tiri Ilhan Omar.

Sidoo kale, Ilhan oo hadalkeeda sii wadata ayaa taageero wayn u muujisay Fateh, waxayna farriin culus u dirtay Soomaalida ku dhaqan Minneapolis.

Ilhan ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in isbeddalka ay u hiiliyaan, ayna codkooda siiyaan Omar Fateh oo ah wiil asalkiisu Soomaali yahay oo doonayo inuu noqdo Mayorka Minneapolis.

“Waqti yar ayaa innoo haray haddaa magaalada dagan tahay codey, qofka guriga kuugu dhagan dagan xasuusi oo aan codka siino Omar” ayay mar kale tiri Ilhan.

Waxaa kale oo ay sheegtay in waqti badan ay gelisay sidii Omar Fateh uu ku heli lahaa kursiga uu doonayo maadaama waxa keliya ay ku dooratay howshaan ay tahay shaqadiisa, kalsoonidiisa, daacadnimadiisa iyo fulinta ballanqaadyada uu sameeyo.

Musharraxa Mayorka Minneapolis Omar Fateh ayaa haatan wada olole xooggan isaga oo garab ka helaya dadka la dhacsan siyaasadda uu soo bandhigay, maadaama ay ka rajeyanayaan waxqabad uga wanaagsan Mayorka muddo xileedkiisu dhammaaday.

Omar Fateh, oo 35 jir ah, waa siyaasi ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo hadda ku jira xilligiisii labaad ee uu yahay Senatorka gobolka ee degmada 62-aad ee Minnesota, isagoo sidoo kalena u tartamaya xilka duqa magaalada Minneapolis.

Wuxuu ku dhashay Washington, D.C., Fateh wuxuu sheegay inuu yahay wiil ay dhaleen waalidiin soogalooti ah oo ka yimid Soomaaliya, isla markaana uu dhowaan noqon doono aabbe.

Wuxuu shahaadada Master-ka (heerka labaad ee jaamacadda) ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason University ee gobolka Virginia, wuxuuna u soo noqday khabiir arrimaha bulshada ee Minneapolis, isku-duwaha mashaariicda ee Wasaaradda Gaadiidka gobolka iyo falanqeeye ganacsi oo ka tirsanaa Jaamacadda Minnesota.

Markii loo doortay Senatorka gobolka sanadkii 2020, Fateh wuxuu noqday Muslimkii ugu horreeyay iyo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali-Mareykan ah ee ku biira Aqalka Sare ee Minnesota. Wuxuu horey olale aan guuleysan ugu galay kursiga aqalka sare sanadkii 2018, isagoo doorashadii is-reereebka ee xisbiga Dimoqraadiga looga guuleystay, waxaana ka adkaatay wakiilkii hore ee gobolka Hodan Hassan.

- Advertisement -

Read more

Local News