Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil laba askari oo ka tirsanaa ciidanka NISA xalay loogu gaystay degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaas oo uu ka dambeeyay askari kale oo kamid ah Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka.
Askariga dilka gaystay oo watay qoray AK47 ah ayaa rasaas oodda uga qaaday askarta la laayay oo isla goobta ku dhintay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askariga ka tirsan ciidanka Gorgor uu hiilo ahaan goobta u tegay, waxaana kaxeystay qof shacab ah oo la sheegay in muran hore uu kala dhexeeyay labada askari ee ka tirsnaa Nabad Sugidda ee xalay lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.
Dad goojoogayaal ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in gacan ku dhiiglaha oo dhaawac ah isna gacanta lagu dhigay, waxaana haatan lagula tacaalayaa isbitaalka Madiina oo la dhigay dhaawiciisa.
Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in eedeysanaha marka la daaweeyo kadib uu mari doono cadaaladda, lana horgeyn doono Maxkamafda Ciidamada Qalabka Sida, si tallaabo adag looga qaado.
Waxaa sidoo kale haatan la baadi goobayaa qofkii shacabka ahaa ee goobta geeyay askariga dilka gaystay, si isagana uu u wajaho Maxkamadeyn, maadaama ay dhacday dhimasho iyo dhaawac.
Marar badan ayay sidaan oo kale isugu dhaceen ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda, kadib khilaafaad soo kala dhex-galay, waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Si kastaba, Muddooyinkan ayaa waxaa yaraa isku dhacyada ciidamada iyo falalkii kale ammaan darrada ahaa ee alaaba ka dhici jiray gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

