Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa ku booriyay Soomaaliya inay ilaashato xeebaheeda, oo uu sheegay inay ku filan tahay difaacooda, xilli Itoobiya ay xoog iyo xeeladba ku raadineyso marin badeed.
Afwerki ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Qaahira uu kaga hadlay arrimo la xiriira xaaladda gobolka iyo khilaafaadka ka jira Badda Cas. Afwerki, oo ah madaxweynaha keliya ee Eritrea tan iyo markii ay ka xorowday Itoobiya, ayaa sheegay in dhibaatooyinka gobolka ay salka ku hayaan faragelin ay sameeyaan dalal iyo xoogag shisheeye.
Wuxuu sheegay in dhibaatadu aanay ahayn mid gudaha dalalkaas ku egtahay, balse ay tahay mid ballaaran oo saameynaysa guud ahaan gobolka iyo xitaa caalamka.
Tusaale ahaan, wuxuu usoo qaatay xaaladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Koonfurta Sudan, isagoo ku tilmaamay tusaaleyaal muujinaya sida fara-gelinta shisheeye u keentay kala qaybsanaan iyo xasillooni darro joogto ah.
“Soomaaliya waa dal leh xeeb dhererkeedu gaarayo 3,300 KM, waxaana xeebtaas dheer oo ah goob istaraatiiji ah ay dalka ka dhigtay mid aan xasilloonayn,” ayuu yiri Afwerki. Wuxuu intaas ku daray in dhibaatooyinka Soomaaliya aysan ahayn kuwo gudaha ka abuurmay oo keliya, balse ay yihiin kuwo ay gacan weyn ku leeyihiin danaha goboleed iyo kuwa caalami ah.
Isagoo ka hadlayay xaaladda guud ee gobolka, ayuu sheegay in aan loo baahnayn fara-gelin shisheeye, balse ay tahay in dal kasta mas’uuliyaddiisa qaato si uu u ilaaliyo amniga iyo xeebihiisa.
“Amniga badda Cas waa mas’uuliyad dalalka gobolka wada saaran, mana aha doorasho u furan dowladda ama wasaaradda difaaca ee waa baahi taariikhi ah oo lama huraan ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweyne Afwerki ayaa ku baaqay in dalalka gobolka ay yeeshaan iskaashi dhab ah oo lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee caalamiga ah, isagoo sheegay in isdhexgalka goboleed uu noqon karo furaha nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka.
Mar la weyddiiyay joogitaanka ciidamada shisheeye ee gobolka, Afwerki wuxuu si cad u sheegay in ay yihiin sababta ugu weyn ee keenta xiisadaha iyo xasilooni darrada.
“Fara-gelinta shisheeye waa wax aan la aqbali karin, waxaana waajib ah in dalalka gobolka ay iyagu sugaan amnigooda,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “Waa in dalalka gobolka ay mas’uuliyaddooda qaataan oo ay si daacad ah u wada shaqeeyaan, oo ay iyaga qudhoodu sugaan amniga marin-biyoodkan caalamiga ah.”
Afwerka ayaa carrabka ku adkeeyay in dalalka ku yaalla xeebaha Badda Cas ay dhammaantood awood u leeyihiin difaaca iyo ilaalinta biyahooda, isla markaana aan loo baahnayn kaalmo shisheeye ama in ciidamo ajnabi ah u difaacaan dhul badeedkooda.
“Soomaaliya, Eritrea, Yemen, Jabuuti, Suudaan iyo Sucuudi Carabiya dhammaantood way awoodaan in ay ilaaliyaan xeebahooda. Uma baahna ciidamo shisheeye,” ayuu yiri madaxweynaha Eritrea oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay intii uu socday wareysiga, taas oo u dhignayd “in waddamadu gobolku ay ku filan yihiin qabashada hawshaasi iyo in kale”.

