25.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Kooxaha burcad-badeedda oo soo afduubtay markab shidaal

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad-badeed Soomaali ah

Kooxo hubaysan oo wata hub culus iyo qoryaha (RPG) ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay soo afduubteen markab wayn oo siday shidaal, isla markaana marayay meel ka fog biyaha ku dhow Soomaaliya oo haatan loo arko meel khatar ah.

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee AP, markabka waxaa fuulay koox Soomaali ah, waxaana iska leh shirkad Giriig ah, isaga oo sidoo kale ku socdaalayay Calanka Malta.

Markabka oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite ayaa kasoo safray dekedda Sikka ee dalka Hindiya, wuxuuna ku socday dhinaca magaalada Durban ee waddanka Koonfur Afrika.

Sidoo kale, waxaa markabka saaran 24 shaqaale oo hadda ay afduub ahaan u haystaan kooxda weerarka qaaday, iyadoo goobta markabka lagu afduubay ay 1,000 KM u jirto xeebaha badweynta Hindiya ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in kooxda ay adeegsatay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iiraan, waxayna kala deggeen doomo yaryar oo markabka ay ku gaareen,.

Waxaa kale oo ay heleen fursad wayn, maadaama markabka aanu la socon ilaalo hubeysan xilliga la beegsanayay, iyaga oo ka weeciyay jihadii uu ku socday.

Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay isku day kale oo dhacay Isniintii, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen markab ganacsi oo marayay meel aad uga fog xeebaha magaalada Muqdisho, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dableyda oo burcadeed-badeed ahayd ayaa beegsatay markab kiimiko sida subaxnimadii hore ee Isniinta, waxayna ku fureen rasaas, balse ma jiro khasaare ka dhashay.

Afduubka maanta dhacay ayaa soo cusbooneysiiyay cabsida laga qabo soo rogaal-celinta burcad-badeedda Soomaalida oo loo arko halis wayn.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa haatan qaaday tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo weerarada burcadbadeeda, waxaana maraakiib dagaal oo ka tirsan howlgalka Atlanta uu usoo diray xeebaha Soomaaliya, si ay u qaadaan tallaabo ka dhan ah dableyda hubeysan.

Howlgalka badda ee Ururka Midowga Yurub, Hawlgalka ATALANTA (Operation ATALANTA), ayaa sheegay inuu “ka warqabo xaaladda uuna markab ciidan u dirayo aagga”, iyagoo ka gaabsaday faahfaahin intaas dhaafsiisan sababo dhinaca amniga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News