28.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Puntland oo jawaab rasmi ah ka bixisay arrinta Boosaaso iyo askarta Colombian-ka ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Talaadadii hortagay Aqalka Sare si uu uga warbixiyo xaaladda amniga ee dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay qiratay in diyaarado ka duula garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ay dalka Suudaan u qaadaan “wax aan la cayimin”.

Hadalkan wasiirka ayaa yimid xilli ay muddooyinkii la soo dhaafay kordheen warar iyo warbixinno ay tebinayaan warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa Carabta, kuwaas oo ku saabsan duullimaadyadan iyo suurtagalnimada xiriir ka dhexeeya dagaalka ka socda dalka Suudaan.

Bishii Oktoobar, warbixin ay si wadajir ah u daabaceen The Guardian iyo warbaahinta Colombia ee La Silla Vacía ayaa lagu sheegay in dagaalyahanno Colombian ah oo loo dirayey Suudaan laga dhoofiyay magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasiir Fiqi su’aalo ka weydiiyeen arrimo la xiriira amniga dalka, la dagaallanka Al-Shabaab, iyo gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha u kala socda Soomaaliya iyo Suudaan.

“Way jiraan. Waxaan ka qirayaa dadka Soomaaliyeed iyo senatarrada hortooda, in diyaarado meeshaas ka duula ay Chad, Niger iyo galbeedka Suudaan wax geeyaan. Maxay geeyaan oo ay qaadaan? Annagu ma naqaan. Taasi waxay u baahantahay in la xaqiijiyo,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday wararka indhawaale la hadal-hayay ee ku saabsan ciidammo calooshood u shaqaystayaal ah oo laga dhoofiyo qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

“In niman Colombian ah oo calooshood-u-shaqaystayaal ah laga qaado, waxa qoraya warbixinno. Laakiin annagu xaqiiqo uma hayno. Waxa aanaan xaqiiqo u hayn, hadda ka sii fogaan mayno.”

“Annagoo Muslim ah, dhibaato gaadhaysa dad walaalaheen ah oo Muslimiin ah, haddii aan siyaasad ku saboolno, waxa aan ku dhacaynna wax ka weyn waxa aan difaacaynno, oo adduun iyo aakhiro ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Boosaaso, oo ah magaalo deked leh oo ku taalla gobolka Bari ee Puntland, ayaa hoy u ah joogitaan xooggan oo Imaaraadka Carabta ah, kuwaas oo tababar iyo taageero siinaya cutubyo ka tirsan ciidamada amniga Puntland.

Maxay Puntland ka tiri eedeymahan?

Si jawaab loogu helo eedeymaha uu ka dhawaajiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, waxa ay BBC-du la xiriirtay wasiirka warfaafinta u qaabilsan Puntland, Maxamuud Cayddiid Dirir.

“Hadalkaasi waxa uu ahaa hadal meel ka dhac ah oo masuuliyad-darro ah. Waxay ahayd in hadallada noocan ah uu xilkiisa ku waayo, maaddaama uu Soomaali oo dhan ceebeeyay.”

“Waan beeninaynaa. Waa war been-abuur ah oo aan sal iyo raad toonna lahayn. Puntland iyo Soomaaliya xuduud lama laha Suudaan. Dalal badan baa ka xiga. Haddii ay dalal ay ka mid yihiin Turki, Masar iyo Imaaraad ay isku hayaan Suudaan dhexdeeda, ma jiro xiriir gaar ah oo ay Puntland ku leedahay,” ayuu intaasi raaciyay.

Cayddiid Dirir, dhinaca kale, waxa uu ka hadlay in Imaaraadka Carabtu ay wax saldhig ciidan ah ku leeyihiin deegaannada Puntland.

“Puntland waxa jooga ciidammo ay Imaaraadku taageeraan. Saldhigyo gaar ah oo ay leeyihiin ma jiraan. Ciidammo ay leeyihiin ma joogaan, garoon kama maamulaan. Markaa, warkaas waxba kama jiraan. In Fiqi yiraahdo diyaaradaha wax duqeeya annagaa maamulna iyo in uu yiraahdo diyaarado ay sidaan wax aan la aqoon baa kaca, labadaas lama isu keeni karo,” ayuu yiri Wasiir Dirir.

“Puntland calooshood-u-shaqaystayaal lagama dhoofiyo. Mana soo maraan. Xidhiidhna lama laha,” ayuu intaas ku daray.

Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si weyn loogu eedeeyaa in uu taageero ciidanna siiyo kooxda RSF ee Suudaan, inkasta oo Imaaraadku ay si dhab ah u diideen eedeyntaas.

Isha: BBC Somali

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News