Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa caawa xilka ka qaaday Agaasimihii Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, isagoo magacaabay agaasime cusub.
Wasiirka Caafimaadka ayaa Cabdirisaaq Shariif Cali u magacaabay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir. Cabdirisaaq ayaa beddelaya Dr. Fartuun Shariif oo horey u haysay xilkaan.
Tallaabadan ayuu wasiirku qaaday isagoo ka jawaabaya mas’uuliyadda dhacdadii ka dhacday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, isla markaana garwaaqsan baahida loo qabo isbeddel deg-deg ah oo dhanka maamulka ah.
Wasiirka ayaa agaasimihii hore uga mahad-celiyay muddadii ay haysay xilka iyo howlihii ay kasoo qabatay isbitaalka.
Sidoo kale waxa uu xusay in isbeddellada maamul ee socda ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.
Isbeddel maamul ayaa maalmaha soo aadan lagu samayn doonaa qaybo ka mid ah isbitaalka, iyadoo shaqada laga joojinayo shaqaalihii shaqaynayay habeenkii ay dhacdadu dhacday, sida uu shaaciyay wasiirka.
Wasiirka ayaa Agaasimaha cusub faray inuu waajibaadkiisa u guto si ay ku jirto masuuliyad, hufnaan, daryeel bukaan iyo isla-xisaabtan, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar, si hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo deg-deg ah oo bani’aadannimo ku dhisan.
Isbeddelkan ayaa imanaya xilli uu saaka Wasiirka Caafimaadka kormeer deg-deg ah ku tegay Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir, kadib dhacdadii naxdinta laheyd ee qabsatay baraha bulshada, taaso aheyd haweeney Soomaaliyeed oo si silic ah ugu umushay iridda Isbitaalka Banaadir.
Haweenaydan oo la sheegay in loo diiday gurmad caafimaad oo deg-deg ah ayaa halis gashay, iyadoo ku umushay laamiga hormara Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.
Intii uu socday kormeerka Wasiirka, wuxuu warbixin ka dhagaystay maamulka isbitaalka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku jiray shaqada 26-kii October 2025 xilligii ay dhacdadu dhacday.
Wasiirka Caafimaadka oo u kuurgalay faah-faahinta buuxda ee xaaladda, oo ay ku jiraan dib u eegista CCTV-ga, shaqaalaha iyo diiwaanada bukaan-qaadista ayaa caddeeyay in dhacdadan aan marnaba la aqbali karin, maadaama adeegyada caafimaad ee deg-degga ah yihiin xuquuq asaasi ah.
“Waxaan aad uga xunahay umadda Soomaaliyeed ka raali-gelinayna in kiis noocaas ah ay ka dhacaan isbitaalka Banaadir hortiisa, oo ah isbitaalka ugu weyn ee hooyada iyo dhallaanka lagu daryeelo ee dowladdu ku faanto,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji Aadan.
Wasiirka ayaa markaas ballan-qaaday in marka baaritaanka si dhab ah loo soo gebo-gabeeyo tallaabooyin maamul iyo sharciba la qaaadi doono.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada Soomaaliyeed u xaqiijisay in ilaalinta badbaadada hooyada iyo dhallaanka ay mudnaanta koowaad tahay, isla markaana aysan jiri doonin cid laga aqbalayo dayacaad halis galinaysa nolosha shacabka.


