28 C
Mogadishu
Saturday, November 8, 2025

Turkey oo soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu soo saaray waaran lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo saraakiil sare oo ka tirsan xukuumaddiisa, oo lagu eedeeyay xasuuq la xiriira dagaalka Gaza.

Israel ayaa si adag uga hortimid ku dhawaaqistaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Saar ayaa sheegay in Israel ay “si adag oo quursi leh u diiddayso” eedeymaha, isagoo ku tilmaamay “tallaabadii ugu dambaysay ee dacaayad ah oo uu sameeyay kaligii taliyaha (Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip) Erdogan”.

Xafiiska xeer ilaalinta Istanbul ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in waarannada xarigga ay la beegsadeen 37 eedaysane, iyagoo aan bixin liiska oo dhameystiran.

Dadkaas waxaa ku jira Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir iyo Taliyaha Ciidanka Gaashaanle Sare Eyal Zamir.

Turkiga ayaa saraakiishan ku eedeeyay “xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha” oo ay Israel “si habaysan” uga geysatay Gaza.

Bayaanka ayaa sidoo kale tixraacaya “Isbitaalka Saaxiibtinimada Turkiga iyo Falastiin”, oo uu Turkigu ka dhisay Marinka Gaza, kaasoo ay Israel duqeysay bishii March.

Turkiga, oo ka mid ah waddamada ugu codka dheer ee dhaleeceeyay dagaalka Gaza, ayaa sanadkii hore ku biiray dacwadda ay South Africa kaga dhanka ahayd Israel ee xasuuqa ee ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (International Court of Justice – ICJ).

Xabbad-joojin aan sal adkayn ayaa ka jirtay dhulka Falastiiniyiinta ee la baabi’iyay tan iyo 10-kii October, taasoo qayb ka ah qorshaha nabadda gobolka ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqista Turkiga, iyagoo ku tilmaamay “tallaabo ammaan mudan (oo xaqiijinaysa) mowqifyada daacadda ah ee shacabka Turkiga iyo hoggaamiyayaashooda, kuwaas oo ay ka go’an tahay qiyamka caddaaladda, aadanaha iyo walaaltinimada ee ka dhexeeya iyaga iyo shacabkeena Falastiiniyiinta ah ee la dulmiyay”.

Ciidanka xasilinta

Saar ayaa qoraal uu Ingiriis ku soo dhigay barta bulshada ee X ku sheegay in “Turkiga uu hoggaamiyo Erdogan, garsoorku uu muddo dheer ahaa qalab lagu aamusiyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, laguna xirxiro saxafiyiinta, garsoorayaasha iyo duqayda magaalooyinka”.

Wuxuu intaa ku daray in xafiiska xeer ilaaliyaha Istanbul uu “dhawaan agaasimay xarigga Duqa Magaalada Istanbul, sababtoo ah wuxuu ku dhiirraday inuu Erdogan kula tartamo doorashada”, isagoo ula jeeday Ekrem Imamoglu, oo la xiray bishii March.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Israel Avigdor Lieberman ayaa barta X ku qoray in waarannada xarigga ee ka dhanka ah saraakiisha sare ee Israel ay “si cad u muujinayaan sababta aysan habboonayn in Turkigu uu u joogo Marinka Gaza — ha ahaato si toos ah ama si dadban”.

Turkiga ayaa doonaya inuu qayb ka noqdo ciidanka caalamiga ah ee xasilinta ee loogu talagalay inay door ka ciyaaraan xaaladda Gaza ee dagaalka kaddib, sida uu dhigayo qorshaha Trump.

Laakiin dadaallada Ankara, oo ay ka mid yihiin kordhinta xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka iyo raadinta in la saameeyo mowqifka Maraykanka ee taageera Israel, lagama soo dhoweeyo Israel dhexdeeda, oo u aragta in Turkigu uu u dhow yahay Xamaas.

Hoggaamiyeyaasha Israel ayaa si isdaba joog ah u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan in Turkigu uu sinaba uga qayb qaato ciidanka caalamiga ah ee xasilinta ee Gaza.

Israel ayaa ku gacan sayrtay eedeymaha xasuuqa ee ka yimid guddi ay Qaramada Midoobay u xil saartay, hay’ado dhowr ah oo aan dowli ahayn (NGOs) iyo qaar ka mid ah waddamada, iyadoo ku tilmaantay “been abuur” iyo “Yuhuud-naceyb”.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News