25.3 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

BF oo qaaday tallaabo la xiriirta dhacdadii Isbitaal Banaadir

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dhacdadii Isbitaalka Banaadir oo sababtay isbeddal degdeg ah lagu sameeyo maamulka Isbitaalka, taas oo ka dhalatay hooyadii la dayacay ee ku umushay laamiga, falkaas oo aad looga xumaaday, sidoo kalena dhaliyay caro xooggan

Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo ay wehliyaan Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif iyo Gudi-hoosaadka Caafimaadka ayaa maanta kormeer shaqo ku ragay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali xaaji Aadan iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Dr Guuleed Cabdijaliil.

Ugu horreyn guddiga oo ka daba socda dhibka dhacay ayaa warbixin guud ka dhageystay wasiirka, isagoo aad ugu dheeraaday, dhacdadii dhawaan kad hacday irida hore ee isbitaalka oo hooyo Soomaaliyeed ku hor umushay dhacdadaas oo badashay quluubta umadda Soomaaliyeed, madaxda dalka iyo sidoo kale talaabada uu arinkaas ka qaaday isagoo caddeeyay in masuuliyaddaas isla xisaabtankeedu uu socddo.

Wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa guddiga la wadaagay inuu Isbitaalka u diyaarsan yahay qeybaha kala duwan ee lagu Daryeelo Bukaanada, sida Hooyada iyo dhalaanka cudurada guud,qeybta gargaarka degdega ah, nafaqo darida caruurta, iyo qeybta la-tacaalida cudurada HIV iyo Cancer-ka, ayadoo uu qeyb walba oo kamid ah qeybahaasi ay leeyihiin dhaqaatiir si gaar ah ugu taqasustay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan caqabado u baahan in la xaliyo oo ay ugu horreeyaan shaqaalaha oo yar iyo bukaanada loo shaqeeyo oo aad u badan sidaasina ay marmarka qaar bukaanaddu ay ku dheeraato shaqadda loo qabanaayo.

Intaasi kadib, Guddiga ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka iyagoo mid mid u wareystay bukaanada Isbitaalka ku jita.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahadcelisay kuna dhiiragelisay shaqada wanaagsan ee ay qaranka Soomaaliyeed uhayaan howlwadeenada kala duwan ee ka howlgala isbitaalka, sidoo kalena ay dowr wanaagsan ka qaadan doonaan sidii loo horumarin lahaa, loona dabooli lahaa, baahiyaha kajira Isbitaalka.

Tan iyo markii ay soo shaac baxday dhibaatada ku dhacday hooyada ku hor umushay Isbitaalka Banaadir oo la sheegay in loo diiday gurmad caafimaad oo deg-deg ah ayaa waxaa isa soo tarayay dhaleeceynta loo jeedinayay howlwadeennada Isbitaalka, iyada oo dowladda loogu baaqay inay ka qaado tallaabo deg-deg ah, lana baaro kiiska hooyadaas.

- Advertisement -

Read more

Local News