Hargeysa (Caasimada Online) – Dhacdo argagax leh ayaa maanta ka dhacday magaalada Hargeysa, kadib markii aabbe uu gubay afar caruur ah oo uu dhalay.
Sida uu sheegay Taliska Ciidanka Dab-demuska Somaliland, Aabahan ayaa caruurta ku gubay guri jiingada oo ku yaala xaafada October ee degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.
Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo goobtaas gaaray, isla markaana gurmad u fidiyay ayaa waxay dabka ka xakameeyeen gurigii iyo guryo isku raran ahaa oo kale, iyadoo intaa kadibna maydka caruurta laga soo saaray guriga.
Caruurta ayaa kala ahaa saddex wiil iyo gabadh yar, oo dhamaantood ka yaraa da’ada 10 jirka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Dab-demiska Somaliland.
Guriga lagu gubay caruurtan ayaa ahaa jiingad laba qol iyo barande ka koobnaa, taas oo markiiba dabku wada qabsaday. Maydka caruurta ayaa waxaa la gaadhsiinayaa Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.
“Aabaha caruurta dhalay ayaa dabka qabadsiiyay caruurta, waxaana aabaha iyo hooyada caruurta dhashay ka dhaxeeyay khilaaf, iyagoo iskula jiray maxkamada,” ayaa lagu yiri qoraalka dab-demiska.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in gabadha weyn ee qoyska, oo uur leh, ay ka badbaaday dhacdada, iyadoo haatan lagu daawaynayo isbitaal ku yaalla magaalada.
Aabihii falkan arxandarada ah geystay ayaa la soo qabtay, isagoo baxsanaya waxaana hadda lagu hayaa laanta dambi baarista ee CID-da.
“Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin adag uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab. Sidoo kale caruurta kaga tagin guryaha, taasoo waayadan dambe caruur badani ku geeriyoodeen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka dab-demiska.
Waxa intaas lagu sii daray “Taliyaha Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili wuxuu murugada la qaybsanayaa qoyskaa geeridu ku dhacday, waxaan Alle uga baryaynayaa in baddel kheyr qaba siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.”
Dhacdadan naxdinta leh ayaa gilgishay bulshada magaalada Hargeysa, iyadoo si xooggan uga hadleen culimada, madaxda deegaanka iyo ururrada bulshada, kuwaas oo ku baaqay in la adkeeyo tallaabooyinka sharci ee ka hortagga rabshadaha qoyska, si aysan usoo laaban dhacdo noocaan ah.

