31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Baarlamanka oo ansixiyay sharci lagula dagaalamayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa meel-mariyay hindise sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad-badeedada iyo qaraar kale oo muhiim ah.

Xildhibaannada oo sameeyay codeyn gacan taag ah ayaa si aqlabiyad leh ku meel-mariyay hindse sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcadbadeedda iyo ka hortagga afduubka ee sharci Lr.36 oo soo baxay 30-kii Bishii April sanadkii 1975-tii, waxaana ogolaaday 140 Xildhibaan, mana jiro Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intaba, sida uu shaaciyay guddoonka Baarlamaanka.

Sharcigan aaa muhiim u ah xakameynta kooxaha burcadbadeedda oo weli halis ku ah marin biyoodka Soomaaliya, iyaga oo haatan bilaabay dhaqdhaqaaqyo cusub.

Sidoo kale  xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey qaraar ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado maalin Qaran, oo sanad kasta dib loo xusuusto qaraxyadii iyo weerarradii Khawaarijtu ay ka geysteen dalka.

Illaa 137 Xildhibaan ayaa si gacan taag ah ugu codeysay qaraarkaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaana waa ka aamusay.

Xildhibaan Maxamed Haaruun oo kamid ah mudanaayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay muhiimadda qaraarka la ansixiyay, wuxuna tilmaamay in lagu xasuusan doono dhibanayaashii ay waxyeellada kasoo gaartay musiibadaasi.

“Ansixinta qaraarka 14-ka October, laba ujeedo ayaan la laheyn oo kala ah, inaan la ilaawan dhibanayaashii ay saameyntu kasoo gaartay Qaraxii 14-ka October iyo in bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo dhibaatada Argagixisada.” ayuu yiri Maxamed Haaruun.

- Advertisement -

Read more

Local News